Keating oo Kulan la qaatey Khayre kahor Shirka Brussels

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Danjire Micheal Keating.

Kulanka labadda mas'uul ayaa sida Warsidaha Garowe Online fahansan yahay diiradda lagu saarey arrimo badan oo ay kamid yihiin, Dhaqaalaha, Amniga, Siyaasadda iyo shirka lagu wado inuu ka dhawaan ka furmo dalka Belgium ee arrimaha Soomaaliya.

Shirka Brussels oo ay kasoo qeybgeli doonaan deeq-bixiyasha caalamka ee taageera dalka Soomaaliya, ayaa la filayaa inuu Soomaaliya ku matelo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa ka qeybgalay Wajigiisa koowaad oo dhacay bishii May ee sanadkan kaasoo diirada lagu saaray amaanka Soomaaliya iyo qorshaha bixitaanka AMISOM.

Keating ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu la qaatay Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya uu ahaa mid wax ku ool ah, islamarkaana qodobdda ay kawada hadleen ay iska afgarteen.

"Waxaan kulan la qataay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Khayre, oo aan diirada ku saarnay, dhaqaalaha iyo dib u baynta hanaanka maaliyadda, cafinta deymaha, siyaasad loo dhan yahay iyo waxay ka filayaan shirka Belgium," ayuu yiri Keating.

Wararka ku hareereysan kulanka Keating iyo Khayre ayaa waxay intaas ku darayaan inay isla soo qaadeen arrimaha amaanka Muqdisho, kaasoo ahaa maalmihii u dambeeyay mid sii xumaanayay kadib weerarkii Otto Otto.

Shirka Belgium oo furmaya 16-ka July ayaa waxaa looga hadli doonaa amaanka, siyaasadda, doorashadda 2020 iyo mustaqbalka AMISOM, kaasoo dowladda Soomaaliya sheegeyso inay diyaar u tahay inay amaanka dalka kala wareegto 2022-ka.

Gaba-gabadda Shirka arrimaha Soomaaliya ee Belgium-ka ayaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed, kaasoo ay ku cad-yihiin qodobadda ay isku raaceen wafuuda shirka ka qeybgashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM