Keating oo Kulan la qaatey Khayre kahor Shirka Brussels

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay Wakiilka Qaramadda Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, Danjire Micheal Keating.

Kulanka labadda mas'uul ayaa sida Warsidaha Garowe Online fahansan yahay diiradda lagu saarey arrimo badan oo ay kamid yihiin, Dhaqaalaha, Amniga, Siyaasadda iyo shirka lagu wado inuu ka dhawaan ka furmo dalka Belgium ee arrimaha Soomaaliya.

Shirka Brussels oo ay kasoo qeybgeli doonaan deeq-bixiyasha caalamka ee taageera dalka Soomaaliya, ayaa la filayaa inuu Soomaaliya ku matelo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa ka qeybgalay Wajigiisa koowaad oo dhacay bishii May ee sanadkan kaasoo diirada lagu saaray amaanka Soomaaliya iyo qorshaha bixitaanka AMISOM.

Keating ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu la qaatay Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya uu ahaa mid wax ku ool ah, islamarkaana qodobdda ay kawada hadleen ay iska afgarteen.

"Waxaan kulan la qataay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Khayre, oo aan diirada ku saarnay, dhaqaalaha iyo dib u baynta hanaanka maaliyadda, cafinta deymaha, siyaasad loo dhan yahay iyo waxay ka filayaan shirka Belgium," ayuu yiri Keating.

Wararka ku hareereysan kulanka Keating iyo Khayre ayaa waxay intaas ku darayaan inay isla soo qaadeen arrimaha amaanka Muqdisho, kaasoo ahaa maalmihii u dambeeyay mid sii xumaanayay kadib weerarkii Otto Otto.

Shirka Belgium oo furmaya 16-ka July ayaa waxaa looga hadli doonaa amaanka, siyaasadda, doorashadda 2020 iyo mustaqbalka AMISOM, kaasoo dowladda Soomaaliya sheegeyso inay diyaar u tahay inay amaanka dalka kala wareegto 2022-ka.

Gaba-gabadda Shirka arrimaha Soomaaliya ee Belgium-ka ayaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed, kaasoo ay ku cad-yihiin qodobadda ay isku raaceen wafuuda shirka ka qeybgashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo sii daba-dheereeyay Khilaafka Siyaadeed

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa taageeridda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 09:11AM