​Kenya oo dishay madaxii qaraxyada Al-Shabaab

Image

Afhayeen u hadlay Millateriga Kenya, ayaa sheegay inay dileen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa  qaraxyada Maalim Shariif  iyo 20 katirsan kooxda, kadib weerar ciidamada AMISOM Jimcihii 19 Febrayo, 2016 ku qaadeen gobolka Gedo. David Obonyo, ayaa sheegay in weerarka lala bartilmaameedsaday xarun tababar oo Shabaab ku lahayd gobolkaas. 

“Bartilmaameedka, waxa uu ahaa Maalim Shariif oo kooxda u qaabilsan farsamada qaraxyada gobolka Gedo, waxa uuna mas’uul ka ahaa dhacdooyin badan oo kooxdu ay ka geysatay Gobolka iyo meelo ka baxsan,” ayuu yiri Obonyo. 

Kenya ayaa sheegtay in Intii uu socday howllgalkaasi baxsadeen qaar ka tirsan Kooxda iyaga oo dhaawac ah, hase ahaatee ka qabsadeen Hub ay ka mid yihiin 16 AK47 iyo 7 ARPG.

Sheegashada dilka Sarkaalkaasi, ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan Kenya cadaysay inay dileen madaxii sirdoolka Al-Shabaab, Mahad Karataay, waloow ururka uu katirsanaa beeniyeen. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM