​Kenya oo dishay madaxii qaraxyada Al-Shabaab

Image

Afhayeen u hadlay Millateriga Kenya, ayaa sheegay inay dileen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa  qaraxyada Maalim Shariif  iyo 20 katirsan kooxda, kadib weerar ciidamada AMISOM Jimcihii 19 Febrayo, 2016 ku qaadeen gobolka Gedo. David Obonyo, ayaa sheegay in weerarka lala bartilmaameedsaday xarun tababar oo Shabaab ku lahayd gobolkaas. 

“Bartilmaameedka, waxa uu ahaa Maalim Shariif oo kooxda u qaabilsan farsamada qaraxyada gobolka Gedo, waxa uuna mas’uul ka ahaa dhacdooyin badan oo kooxdu ay ka geysatay Gobolka iyo meelo ka baxsan,” ayuu yiri Obonyo. 

Kenya ayaa sheegtay in Intii uu socday howllgalkaasi baxsadeen qaar ka tirsan Kooxda iyaga oo dhaawac ah, hase ahaatee ka qabsadeen Hub ay ka mid yihiin 16 AK47 iyo 7 ARPG.

Sheegashada dilka Sarkaalkaasi, ayaa kusoo beegmay xilli dhawaan Kenya cadaysay inay dileen madaxii sirdoolka Al-Shabaab, Mahad Karataay, waloow ururka uu katirsanaa beeniyeen. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM