Kenya oo gacanta ku dhigtay Sarkaal sare oo katirsan Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya - Ciidanka Booliska ee wadanka Kenya ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ayaa gacanta ku dhigay sarkaal sare oo Al-Shabaab gacan-saar la lahaa, kaasoo ay magaciisa ku sheegeen Francis Macharia Karishu.

Karishu oo ay horey madaxiisa udhul-dhigeen Booliska Kenya aduun lacageed dhan Hal Milyan oo lacagta Kenya ah, ayaa wuxuu Shabaab kala shaqaynayey ufududeynta weeraro ay ka fuliyaan deegaanada iyo degmooyinka Kenya, sida ay Booliska tilmaameen.

Ninkaan ayaa waxaa lagu qabtay xaafadda Kayole, oo ka tirsan Magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, iyadoona loo gacan-geliyay Booliska sida gaarka ah utababaran ee la dagaalanka la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Booliska waxay sheegeen in Karishu uu tababar heer sare ah uu kusoo qaatay dalka Soomaaliya, islamarkaana uu xiriir dhow la lahaa nin ay magaciisa ku sheegeen Cabdi Majiid Xasan, kasoo Isbuucii hore lagu xiray Hodheel ku yaala Magaalada Nairobi

Francis Macharia Karishu, oo ay Kenya sheegtay in Shabaab dhex-dooda looga yaqaan Cabdalla, uu dalka Kenya ugu soo laabtay si uu uga fuliyo weeraro ka dhan xarumaha waa weyn ee Kenya, inta lagu guda jiro bisha Baraakeysan ee Ramadan.

Soo qabashada sarkaal Shabaab gacan-saarka lahaa waxay kusoo beegmeysaa iyadoo Charles Owino, Afhayeenka Booliska Kenya oo la hadlay saxaafada wuxuu qeexay isbuucii hore in ninkaan uu kuu sugan yahay caasimada Kenya.

Markii lasoo xirayay Cabdi Majiid Xasan oo Shabaab ka tirsana ayaa qolka uu ka deganaa Hotel-ka, waxaa laga helay hub farabadan iyo Sunta qaraxyada laga helay.

Kenya ayaa waxay la daalaadhaceysaa weeraro uga yimaada Shabaab, kuwaasoo saldhigyo ciidan oo qarsoodi ah ku leh gobolka Woqooyi Berri ee Kenya, halkaasoo ay kasoo qaadaan weeraro ay ku beegsadaan inta badan askarta Kenyan-ka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM