Kenya oo gubtay alaab ku fadhisay 55-kun oo dollar kana timid Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Odayaasha dhaqanka ee ku nool magaaladda Mandera ayaa waxay si adag dhaleeceeyeen xayiraado ay dowladda Kenya kusoo rogtay badeecadaha ganacsiga ee ka yimaada gudaha Soomaaliya.

Wax-garadka oo tibaaxay in askata Kenya ay is hor-istaageen gaadiid xamuul ah oo siday raashiin oo ka yimid Soomaaliya tan iyo dhakhaatiirtii la afduubtay ayaa tilmaamay in ay sare u qaaday qiimaha cunada ee Mandhera.

Indheer-garadkani ayaa intaasi raaciyey in ciidamada Kenya ay la waregeeen ayna dab-qabad siiyeen alaabtaasi oo laga soo gudbiyey sohdinta uu wadankaasi la wadaago Soomaaliya oo ay deris yihiin.

Cuqaasha ayaa daboolka ka qaadey in badeecadaha ay Kenya gubtay tan iyo bilowgii bisha barakeysan ee Ramadan ay wadar ahaan ku fadhiyaan aduun lacageed gaareyso 55-kun oo dollar-ka Mareykanka.

Goobaha dheg-xaanta laga soo saaro ee ku yaalla magaaladda Mandera ayay sidoo kale shaaciyeen in howlahoodii la joojiyey taasoo ay cod dheer ku qeexeen in ay dhaawacday fursadaha shaqo ee la heli jiray.

Talaabooyinkan ay qaadeyso Kenya ayaa waxay kusoo beegmayaa iyadda oo ay jirto xiisad diblumaasiyadeed oo Muqdisho iyo Nairobi u dhaxeyso oo ku aadan ku muran dhanka xuduud badeedka ah.

Bishii hore ayay Kenya ku dhawaaqday hakinta duulimaadka tooska ee Muqdisho-Nairobi. Intaasi waxaa wehlisay in ay soo musaafurisay mas'uuliyiin Soomaaliyeed oo ay u diiday dal ku galka wadankeeda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya illaa iyo haatan ma aysan qaadin wax talaabo ah oo ku wajahan falalka isa soo taraya ee ay Kenya ku cadaadineyso, xili laga digay go’aanno kale.

Kenya ayaa waxay waqti xaadirkan ku eedeysan xadgudub ay ku sameysay xuduudaha bariga iyo badda ee Soomaaliya, waxaana shacabka uu dhowrayaa go'aanka ay qaadataan madaxda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM