Kenya oo sababeysay mas'uuliyiinta Soomaaliya ee ku xayirtay Nairobi

Image

NAIROBI, Kenya – Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay mas'uuliyiin isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlada Soomaaliya oo laga soo celiyay garoonka Nairobi, Isniintii.

Monica Juma oo qaybo kamid ah war-fidiyeenka dalkaasi qaarada Afrika dhaca kula hadashay xarunta wasaarada xiriirka caalamiga, ayaa sheegtay in sababta ay la xiriirto in madaxdaasi aysan wadan dal ku galka Kenya [Fiisaha].

"Dhamaanteena waxaan safarnaa inaga oo wadana dal ku gal. Sidaasi awgeed, aad ayay u adag tahay in aad Fiiso la’aan gasho dal kale," ayay ku fal-celisay markii Juma arrintaan wax laga waydiiyay.

Sidda laga soo xigtay illo wareedyo dowlada Soomaaliya ka tirsan, Kenya ma aysan kusoo war-gelin xukuumada Muqdisho in isbedel lagu sameeyay Fiisaha laga qaadan jiray garoonka diyaaradaha.

"Ma hayo fahfaahinta kiiskaan. Balse aad ayaan ula yaabay in qof uu socdo fiiso la’aan," ayay hadalkeeda raacisay wasiiradda.

Wasiirada iyo Xildhibaanada laga soo celiyay madaarka xarunta Kenya ayaa barqinimadii Talaada dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku warameysa in xubnaha loo diiday in ay galaan Nairobi loo sheegay in ay ahayd in dal ku galka ay kasoo qaataan safaarada Kenya ee Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in wasiiro kale iyo mas'uuliyiin dowladeed oo markii Baasaboorka Soomaaliya laga diiday ay uga gudbeen garoonka kuwa shisheeye.

Dhanka kale, ciidamada Kenya ayaa Barqanimadii Talaada waxay howlgal baaris ah ku beegsadeen qaar kamida Xawaaladaha Soomaalida ee xaafada Islii ee magaalada Nairobi, kuwaasi oo saacado hakad la geliyay shaqadooda.

Hogaanka Soomaaliya illaa iyo haatan wax jawaab ah kama uusan bixin talaabooyinka is-dabajoog ah oo ay Kenya cadaadiska diblumaasiyasadeed ku saareyso dowlada federaalka Soomaaliya.

Arrimahaan oo dhan ayaa imaanaya xili xiriirka labada dal uu sii xumaanayo, isla markaana Kenya ay ku eedeysan yahay damac uga jira biyaha Soomaaliya ayna dooneyso in laga laabto dacwada hortaala ICJ.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed: Helitaanka Badda Cas Waa U Muhiim Itoobiya

Waxa uu sidoo kale ugu baaqay shacabka Itoobiya in si furan looga doodo arrintan halkii laga aamusnaan lahaa ama laga indho tiri lahaa.

  • Soomaliya

    04-07-2025

  • 05:23PM

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM