Kenya oo xirtay falanqeeye Soomaali ah xili ay jirto xiisada badda

Image

NAIROBI, Kenya – Ciidamada Kenya ayaa lagu waramayaa in xalay saqdii dhexe ay hoygiisa oo ku yaalla xaafadda Islii ee magaaladda caasimadda ah ee Nairobi kala baxeen aqoonyahan Dr Ibraahim Faarax Bursaliid.

Lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa xariga falanqeeyahaan ka faalooda arrimaha siyaasadda gobolka iyo Carabta.

Laamaha amniga ee waddanka Kenya illaa iyo haatan wax war ah kama aysan soo saarin xariga nuqdeeye Bursaliid.

Saxaafadda maxaliga ah ayaa qoyska falanqeeyaha kasoo xigatay in xarigiisa uu la xiriiro xiisadda diblumaasiyadeed ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Xariga lagula kacay Bursaliid ayaa imaanaya iyadda ay taagan tahay xiisada labada dowladood taasoo salka ku haysa muran dhanka badda ah oo dacwadeeda hortaalo maxkamada cadaaladda aduunk.

Kenya ayaa horey ugu goodisay in ay beegsan doonto shaqsiyaadka aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo kuwaasoo sida la fahansan yahay uu kamid yahay Bursaliid.

Sikastaba ha ahaatee, dhamaadka sanadkan ayaa lagu wadaa in maxkamada cadaaladda aduunka ay go'aan kasoo saarto kiiskan oo horyaala tan iyo sanadkii 2014-kii

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM