Kenya oo xirtay Xilldhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya - Korneel Axmed Aadan Rufle, oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada xooga ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in Booliska Kenya ay Xabisga dhigeen Labo Xilldhibaan oo ka tirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Fededaalka Soomaaliya.

Xilldhibaanada ayaa waxaa lala xiray saraakiil ka tirsan ciidamadda xooga dalka, kuwaasoo Aagaas ugu magacownaa taliska militeriga Soomaaliya.

Labadda Mudane ee Baarlamaanka Federaalka ka tirsan oo ay xireen ciidamada Kenya ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xilldhibaan Cabdi Cali Xasan iyo Xilldhibaan Jamaal Cabdirashiid Xaaji.

Korneel Rufle ayaa xusay in Xilldhinadaan oo magaalada Ceelwaaq laga soo doortay ay ku xireen ciidamada Kenya Xadka Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan, islamarkaana aan la garaneynin sababta xarigooda ka dambeysa.

"Ma garaneyno sababta ay ugu xireen labo meel oo kala gooni ah, balse, waxay kamid ah dhbaatooyinka ay ciidamadda Kenya ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Rufle.

Sida uu sheegay Rufle, Ciidamadda falkan u geystay Xilldhibaanadaan ay yihiin kuwa Booliska ah ee ku sugan Xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iy Kenya ee gobolka Gedo.

Ma jiro wax hadal ah oo ku saabsan xariga Xildhibaanada ay kasoo saareen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Balse, Korneelka ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in dadaal dheer kadib oo ay sameeyeen mas'uuliyiinta gobolka iyo kan Jubbaland ay ku guuleysteen in lasii daayo Xilldhibaanada iyo saraakiisha kale ee lala xiray.

Falkan lagula kacay Xildhibaanada ayaa imaanayaa xilli mudooyinkii dambe ay isa soo tarayeen eedaymaha ku saabsan in ciidamada Kenya ay dhibaatooyin u geystaan shacabka ku nool deegaanada xadka ku dhaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM