KG oo gashay xaalad kala guur ah iyo wasiirada oo amar la dul-dhigay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Sii haayaha xilka Madaxwaynaha ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ahna Afhayeenka Gollaha Wakiilada, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa maanta kulan deg deg ah wuxuu isugu yeeray Wasiiradda maamulkaan.

Fadhiga oo ay soo xaadireen inta badan xubnaha Gollaha Xukuumadda ayaa diiradda lagu saarey amaanka doorashada, xubnaha ka harsan Guddiga doorashooyinka iyo xaalada kala guurka ah ee uu galay dowlad goboleedkan.

Masuuliyiinta ayaa inta uu shirku socday is-dhaafsaday oraahyo ku aadan qaabka ugu haboon ee loo wajihi karo doorashada, sugida amniga, magacaabida xubnaha ka harsan Guddiga doorashada iyo mudaynta waqtiga coddeynta.

Markii uu kulanka soo idlaaday, waxaa shir-jaraa’id qabtay Maye oo fahfaahin ka bixiyay natiijada kasoo baxday shirkooda deg deg ahaa, kaasi oo uu carabka ku dhuftay in qodobadii looga dooday ay isla meel-dhigeen.

Sii haya jagada Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa si cad wuxuu daboolka uga qaaday in Wasiirada la faray inay sida ugu dhaqsiyaha badan usoo ugu soo gudbiyaan qaab qoraal ah hantida dowlada oo ay hayaan.

“Ujeedka tani waxay tahay si aysan udhicin in lagu tagri falo hantida dadwaynaha,” ayaa laga soo xigtay Afhayeenka Sharcidejinta Koonfur Galbeed, inta uu ku guda jira shirka jaraa’id, oo uu ku qabtay caasimad goboleedka Bay.

Talaabaddan ayaa imaaneysa xili Koonfur Galbeed ay dhexda kaga jirta xaalad kala guur ah, islamarkaana la filayo inay gasho doorasho maalmaha soo socda, wallow shaki ay ku jirto inay dhici karto 17-da bishaan oo loo mudeeyay.

Waa shirkii labaad oo deg deg ah oo ay yeeshaan Wasiiradda Koonfur Galbeed tan iyo markii uu is-casilay Shariif Xasan Aadan, Madaxwaynihii hore ee maamulkaan, kaasi oo heshiis uu maamulka doorashada ugu gacan-geliyo usaxiixay Villa Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM