KG oo ka hadashay hadii dib loo dhigayo doorashadda

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Wasiirka Warfaafinta ee maamulka Koonfur Galbeed, Ugaas Xassan Cabdi Maxamed ayaa meesha ka saarey suurtagalnimadda in dib loo dhigo doorashada Madaxwaynaha ee dowlad goboleedkan.

Ugaas Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in Guddiga doorashooyinka xubnaha iska tanaasulay oo tiradoodu ay gaareyso 15 ruux dhowaan lasoo magacaabi doono, islamarkaana shaqada halkeeda kasii soconeyso.

Afhayeenka Gollaha Wakiilada, ahna sii hayaha xilka Madaxwaynaha, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayuu wasiirku xusay inay ka go’an tahay in doorashadda ay ku qabsoonto si cadaalad ah oo sharciga waafaqsan.

“Shacabka Koonfur Galbeed, waxaan usheegayaa inay ka walwal la’aadaan dib udhac ku yimaada doorashadda. Xubnaha Guddiga ka harsan waan lasoo magacaabi doonaa dhowaan,” ayuu yiri Wasiir.

Wararka uu halkaasi ka helayo warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in kulamo ay yeesheen habeenkii xalay ahaa Murashaxiinta aan taageerada ka haysan Villa Somalia iyo Gudoomiye Maye, kuwaasi oo arrimahaan isla soo qaaday.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in kulamadda oo ka qabsoomay Madaxtooyadda laysla soo qaaday in murashaxiinta wada tashi lagala yeesho soo magacaabida xubnaha Guddiga doorashadda ee harsan.

Doorashada Koonfur Galbeed ayaa loo madalsan yahay inay qabsoonyo 17-ka bishaan oo ay ka harsan tahay Lix casho, xili caasimad goboleedka Bay ee Baydhabo laga dareemayo diyaar-garowgii ugu dambeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM