Khabiiro Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada oo duqeyn lagu laayey

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Diyaarado dagaal ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay duqeymo xoogan ka fuliyeen degaano ka tirsan gobolka Jubadda Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya.

Duqeymaha oo lala beegsaday maleyshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa kala dhacay habeenimadii Arbacada iyo Talaaladaadii, sida ay warsidaha GO u xaqijiyeen illo wareedyo.

Saraakiisha amniga ayaa shaaciyey in howlgalkii Talaadada, oo ka dhacay buundada magaalada Jilib ee xarunta gobolka Jubadda Dhexe, lagu khaarijiyey 18 dagaalame.

Muraal Axmed Faarax, taliyaha ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee aaga Jilib, ayaa cod dheer ku qeexay in 18-kaasi la laayey lix kamida ay ahaayeen xeel-dheerayaal dhanka qaraxyadda.

Sidda laga soo xigtay Faarax, duqeyntii habeenkii Arbacadda, ayaa ka dhacday isla tuulo ka tirsan gobolka, si gaar ah goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsanaa kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Illo wareedyo iyaga [Al-Shabaab] ka tirsan ayaa inoo soo sheegay," ayuu Muraal ku jawaabay markii la waydiiyay sida ay ku helayn xogta khasaaraha uu sheegayo, maadaama "ay adag tahay" in la ogaado wararka noocaan ah.

Dadka degaanka oo xaqiijiyey jiritaanka duqeymaha ayaa tibaaxay in Al-Shabaab ay xirtay meelaha ay weerarada laga soo wariyay, isla markaana shacabka ay u diiday in ay kasoo akdhowaadaan.

"Sarkaal u qaabilsanaa gobolka Banaadir oo u tegay halkaasi shir, dardargelinta qaraxyada bisha Ramadaan iyo lix xubnood oo si gaar ah ugu tababaran qaraxyada oo shirka fadhisay ayaa kamida dadka la dilay," ayuu Muraal raaciyey.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weeraradaan oo kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaarada oo inta fuliya duqeymaha ka dhaca koonfurta, waqooyga iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

"Duqeymaha waxaa fuliyey ciidamada Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran, iyaga oo taageero ka helaya saaxiibada caalamka ee Mareykanka," ayuu Taliye Muraal hadalkiisa daba dhigay.

Geesta kale, xoogaga Al-Shabaab illaa iyo haatan kama aysan fal-celin weeraradaasi. Si lamid ah, sheegashada taliska ciidanka Daraawiishta Jubbaland.

Howlgaladaan is-dabajooga ah ayaa imaanaya iyada oo horaantii sanadkaan ay wasaarada difaaca Mareykanka shaacisay in muddo todoba sano ay kusoo afjahareyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maamulka Khaatumo oo saxiixey qoraal lagu jiritaan tirayo maamulka Jubaland

Qodobka lixaad ee warmurtiyeedka ayaa sheegay: "GWQ waxa uu isku raacay…

  • Soomaliya

    09-05-2025

  • 05:52PM

Mareykanka oo $10 Milyan ku raadinaya ninkii ka dambeeyay weerarkii Manda Bay

Cabdullaahi Banati ayaa lagu eedeeyaa inuu qeyb ka ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarkii 5tii Janaayo 2020 ee lagu qaaday Manda Bay Airfield.

  • Soomaliya

    08-05-2025

  • 12:37PM