Khadar oo fasiraad ka bixiyay hadallo muran dhaliyay oo kasoo yeeray Abiy Axmed

Image

JABUUTI - Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa ka hadlay markii ugu horeysay hadalkii muranka dhaliyay ee kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Abiy Axmed, wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa tiro labo jeer ah oo la kulmay Madaxwayn Farmaajo, ka dhawaajiyay hadalo xasaasiyad xoogan ku abuuray Bulshadda Soomaaliyeed.

Markii koowaad – Bishii June kadib socdaal uu ku yimid magaalo madaxda Soomaaliya oo uu ku laabtay wadankiisa, wuxuu u sheegay shacabka dalkiisa inay ku heshiiyeen Farmaajo in la mideeyo labada dowladood.

Mar labaad – bishii November, kulan saddex geesood ah oo Bahar Dar ku yeesheen hogaamiyaasha Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea, wuxuu Abiy ka shaaciyay in saddexda dal ay mustaqbalka yeelan doonaan hal hogaamiye.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa fasiraad ka bixiyay hadallada Abiy Axmed, isagoo sheegay inaysan suurta-gal ahayn in Farmaajo uu heshiis noocaas ah galo, islamarkaana shacabka laga qariyo.

“Madaxwayne Farmaajo inta uu tago Addis Ababa…oo uu heshiis la galo Itoobiya ama Eritrea ma oran karo waan midoobeynaa...Mana ahan wax qarsoomi kara heshiisyo noocaasi ah…Marka waxaanu u baahan nahay inaanu waxba iska [abuuran],” ayuu yiri Khadar.

Ugu dambeyntii, Khadar ayaa oo fahfaahin ka bixiyay heshiisyadda uu Madaxwaynaha la galay dalalka deriska ayuu ku nuux-nuux saday inay yihiin kuwa kaliya ku kooban dhinacyada Dhaqaalaha iyo Amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM