Khasaaraha Al-Shabaab kasoo gaarey howlgalka Janaale oo la shaaciyay

Image

 JANAALE, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgalkii shalay Al-Shabaab looga saarey degaanka Janaale, oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha guutada 16aad ee ciidanka DANAB Ismaaciil Cabdilmaalik Maalin, ayaa sheegay in lix xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab ay ku dhinteen dagaalii shalay lagula wareegay Janaale, kuwaasoo ay ku jiraan hogaamiyeyaal sare.

Taliyaha ayaa yiri: Lix xubnood oo ay ku jiraan Siciid Dheere oo ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee degaanka Ceel-saliini iyo horjooge Bukhaari oo isna qaabilsanaa degaanka Jannaale ayay ciidanka xooga dalka ku khaarijiyeen howlgalkii shalay".

La wareegista Janaale oo aan ahayn mid cusub, ayaa dad badan waxay is waydiinayaan inay ciidanka dowladda sii haysan doonaan degaanka iyo inay kasoo bixi doonaan, maadaama dhawaan ay soo faarujiyeen Tuulada Tooratoorow bishii January ee sanadkan, labo maalin kadib markii ay qabsadeen.

Howlgallada ka socda Shabeellaha Hoose, oo si gaabis ah ku socda, ayaa ciidanka dowladda waxay kula wareegeen tan iyo sanadkii tagey illaa 5 tuulo, oo ku yaalla inta u dhaxaysa Afgooye iyo Janaale, waxaana gobolkan uu muhiim u yahay qabsashadiisa amnig Muqdisho.

Ciidanka dowladda ayaa la filayaa inay dhawaan mas'uuliyada amniga dalka kala wareegaan AMISOM, oo lagu wada inay isaga baxdo wadanka, maadaama uu waqtigoodii loogu tala-galay uu dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM