Khasaaraha dhimasho ee weerarkii ka dhacay Muqdisho oo korodhay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 20 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyootay ka gedaal markii Is-miidaamin ay ka dhacday Kontarool ku yaala inta u dhaxeysa xabsiga Godka Jilacow iyo Daljirka Dahasoon oo ku dhow Villa Soomaaliya.

Illo wareedyo dhanka amaanka ah ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online, is-qarxiyaha oo gaarigiisa uu kamid ahaa kuwa baaritaanka sugayey ayaa beegsaday gaari ciidan la socdeen iyo mid kale oo Xildhibaano ay saarnaayeen.

Weerarka oo barqanimadii Arbacada dhacay ayaa sababay sidoo kale waxyeelo dhaawac oo soo gaarey dad u badan shacab iyo Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya, mudane Shabeel.

Laba mudane ayaa si dirqi ah uga badbaaday weerarka, sidda uu shaaciyey Cabdirisaaq Maxamed, sharcidejiye ka tirsan Aqalka Hoose, horeyna u soo noqday Wasiirka Amniga, dowladii Xasan Sheekh Maxamuud.

Saraakiisha ayaa xaqiijiyey in dadka ugu badan ee dhintay ay yihiin askar ka tirsan ciidamada xooga dalka oo goobtaasi marayey, isla markaana saarnaa laba gaari oo Cabdi Bile.

Gaashaanle Sare Fuudamo Cali Raage, askar ilaalo u ahayd iyo seygeeda oo gaariga la socday ayaa la sheegayaa in lagu khaarijiyay qaraxaasi oo ay dusha saaratay kooxda Al-Shabaab.

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in Marxuumad Faadumo ay dhowaan kasoo baxday Umul, wallow aan la ogayn hadii cunugeeda ay wadatay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta oo war qoraal ah kasoo saarey dhacdadaan ayaa si adag u cambaareeyay, isaga oo ku sifeeyay "fal ay ka dambeyso koox argagixiso ah".

Habeenimadii Isniinta ayay ahayd markii qarax gaari uu ka dhacay meel aan sidaasi oga fogeynta goobta maanta la qarxiyey wallow waxyeelo ku kooban burbur uu dhaliyey qaraxaasi.

Todobaadkii hore, weerar is-miidaamin oo lagu beegsaday xarunta degmada Warta Nabadda ee Muqdisho ayaa dhaliyay dhimashada afar qof iyo dhaawac in ka badan 10 oo ay ku jiraan dad shacab ah.

Qaraxyadaan ayaa imaanaya xili wadooyinka waaweyn ee magaala madaxda dalkan dhaca Geeska Afrika ay joogaan ciidamo, isla markaana ay si joogto u baaraan gaadiidka, una sameeyaan howlgalo amaanka lagu sugayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kadib Xayiraad Mudo Socotay

Mudadii ay xayiraaddu jirtay, dad badan oo ka yimid gobolka Gedo ayaa la daalaa dhacayay helitaanka adeegyada caafimaad.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 01:25PM

Muqdisho: Imisa ku dhimatay, kuna barakacday Roobkii Fatahaadda sababay?

Sanadkii 2023, in ka badan 100 qof ayaa ku dhintay, halka in ka badan hal milyan qofna ay ku barakaceen daadad la xiriiray cimilada El Niño.

  • Soomaliya

    11-05-2025

  • 09:38AM