Khasaare ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Somalia - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Qarax loo adeegsaday xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Somalia.

Weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa lagu qaaday Guriga Muqdisho uu ka degan yahay Gudoomiyaha degmada Deyniile Jacfar oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Ugu yaraan Saddex ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Ilaaladda Gudoomiyaha ayaa ku dhaawacmay weerarka, kaasoo mas'uuliyadiisu sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in rasaas ay fureen Ciidanka Gudoomiyaha ilaaladda u ah ay ku geeriyootay Haweenay saarneyd Mooto Bajaaj, oo mareysay agagaarka guriga weerarka lagu qaadey.

Gudoomiyaha Deyniile ayaa la sheegay inuu ka badbaadey weerarka, oo u muuqday mid loogu talo-galay in isaga lagu khaarijiyay, sida ay Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen Saraakiil booliska dowladda katirsan.

Jacfar ayaa kamid ah gudomiyeyaal dhowr ah oo aan habeenkii seexan degmooyinka ay madaxda ka yihiin, kuwaasoo seexda degmooyinka kale ee amniga ka jiro, sababo la xirrira cabsi ay ka qabaan Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE 

 

Related Articles

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Sidoo kale, Dowladda Ingiriiska ayaa Dowladda Puntland ku wareejisay deeq isugu jirta daawooyin iyo agab caafimaad.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 02:57PM

Hormuud Salaam Foundation oo la guddoonsiiyay Abaalmarinta Hoggaaminta Saamaynta leh ee Bulshada Afrika

Abaalmarintani waxay marqaati u tahay go’aankeenna adag ee ah dhismaha mustaqbal ifaya oo bulshada Soomaaliyeed u horseeda fursado.

  • Soomaliya

    10-07-2025

  • 09:38AM