Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ee qaraxii Liido oo la shaaciyay

Image
Ciidamada ayaa toogtay 5 Al-Shabaab oo ahaa dableydii weerarka soo qaaday.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Ammaanka ayaa xalay waxay soo afjareen weerar ay kooxda Al-Shabaab ay kusoo qaadeen shacab ku caweynayey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. 

Ciidamada ayaa toogtay 5 Al-Shabaab oo ahaa dableydii weerarka soo qaaday halka mid kale kalena uu naftiisa ku haligay xeebta Liido ayadoo qaraxaasina uu saameeyey shacabkii xeebta ku caweynayey. 

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in 35 qof ay ku nafwaayeen weerarka isla markaana ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 60 kale.

Dhinaca kale Ciidammada ammaanka ayaa fashiliyey gaari walxaha qarxa ay Al-Shabaab ku diyaarsadeen banaanka xeebta Liido halkaas oo dadka loo diidey in ay gaaraan.

"Waxaa ciidammada ay gacan ka geysteen in dhaawacyada loo gurmado oo isbitaallada la geeyo," ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Laamaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM