​Khasaaro ka dhashay ciidamo ku dagaallamay Cadaado

Image

Khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa ka dhashay shaqaaqo maanta ka dhacday xarunta KMG ah maamulka Galmudug ee Cadaado, waxaana ku dhex dagaallamay labo ciidan.

Inta la ogyahay saddex qof ayaa dhimatay, shan kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala duwan sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Iska hor-imaadka ayaa dhacay xilli mushahar loo qaybinayay ciidamo katirsan guutada 21-aad ee ku sugan degmadaasi, waxaana la sheegay inay weerar kusoo qaadeen ciidamo kale oo katirsan maamulka Galmudug.

Lama oga sababta rasmiga ah ee shaqaaqadaasi dhalisay, balse waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada katirsan Galmudug muddooyinkii dambe ka cabanayeen mushahar la'aan taasina keentay inay weerar ku qaaday xarunta lacagta lagu siinayay Milletiriga Soomaaliya.

Saraakiil katirsan labada dhinac ayaa ciidamada kala dhex gashay, waxaana xaaladda magaaladu kusoo noqotay sidii hore ee cadiga ahayd, inkastoo saacadihii shaqaaqadu taagnayd ay isu socodku yaraa.

Waan waan lagu dajinayo xiisaddaasi, ayaa kasocota magaalada Cadaado oo dhawr jeer sidaan oo kale uga dhaceen rabshado u dhaxeeyo ciidamo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM