Mas'uuliyiin Turki ah oo dil kaga badbaaday caasimadda Soomaaliya

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacantay kadib qarax Khamiista maanta ah ka dhacay Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in weerarka uu ka dhacay isgoyska KM5 ee magaalada caasimada ah.

"Qaraxa ayaa ka dhashay Miino lagu soo rakibay gaari nooca aan xabadda karin oo yaalay agagaarka isgoyska Zoobe," ayuu yiri Cali Daahir Axmed, oo ah kabtan ka tirsan ciidanka Booliska.

Bukaanada ayaa la sheegay in ay ahaayeen macalimiin u dhashay Turkiga. Shaqalahan ayaa la shaqeynayey hay'adda Maarif Foundation oo maamusha dugsiyo ku yaala in ka badan 30 dal.

Ma jirto koox illaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda falkan oo looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab. Dhinaca kale, darawalkii waday gaariga ayaa ka badbaaday falkan.

Arbacadii, qarax Miino oo askar lagula eegtay xaafada Taleex ayaa lagu khaarijiyey saddex xili lagu dhaawacay ku dhowaad afar kale.

Duleedka Muqdisho isla Arbacadii, gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda ayaa ka badbaaday qarax kolanyo uu la socday lagu beegsaday.

Saddex ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku geeriyootay falkaasi. Labadda dhacdo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa shaaca ka qaadey in ay iyaddu ka dambeysay uuna ka badbaaday Shuute.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo Amray In La Sii Daayo dadkii Lagu Xiray Mudaharaadkii Burco

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa beenisay wararkaas, iyadoo sheegtay in cafiska loo sameyn doono kaliya maxaabiista ku xukuman dambiyo fudud.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 06:08AM

Xasan Sheekh oo Mucaaradka ku Eedeeyay Inay Carqaladeynayaan Doorashooyinka Dadweynaha

Madaxweynaha oo ka hadlayay xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu qabtay Muqdisho ayaa difaacay isbeddellada doorasho.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 05:54AM