Khayre iyo Geelle oo kulmaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed

Image

KHARTOUM - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo Madaxwaynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagu soo waramayaa inay wada yeelan doonan kulan xasaasi ah, sida laga soo xigtay illo wareedyo dhanka diblumaasiyadda ah.

Labadda mas'uul ayaa ku kulmaya magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan, halkaasoo ay uga qaybgalayeen munaasabad ah heshiis ku kala saxiixdeen dhinacyadda isku haya colaadda ka taagan dalka South Sudan.

Wararka ayaa sheegaya in Khayre iyo Geelle ay kawada hadli doonan xiisadda u dhaxeysa labadda dal, taasoo ka dhalatay markii Madaxweyne Farmaajo, isagoo ku sugan Asmara ka codsaday Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey inay xayiyaaradda ka qaadaan Eritrea oo ay colaad iyo muran dhanka xuduuda kala dhaxeysa Jabuuti.

Baaqii Farmaajo ayaa ka dhalatay carro xoogan oo keentay in Jabuuti ay qoraal ay ugu abaal sheeganayso Soomaaliya iyo inay dib ugu yeerato Safiirkeedii u fadhiyay Muqdisho. [Halkan ka akhri Warbixinta].

Xiisadda taagan, ayaa la filayaa inuu harreeyo kulanka gaarka ee Khayre iyo Geelle, waxaana wararka hoose ee soo gaaraya Garaowe Online ay sheegayaan in Wasiirka 1aad ee Xukuumadda Soomaaliya uu sharaxaad ka bixiyo hadalkii Farmaajo.

Madaxaweynaha Soomaaliya ayaa markii hore lagu casuumay Khartoum inuu tago, balse ka abaaqsaday isagoo u diray Ra'iisul Wasaarihiisa, iyadoo aan Villa Soomaaliya ka bixin fahfaahin sababta uu u baaqday Farmaajo.

Xiisadda siayaasadeed ee Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa kusoo beegmaysa xilli isbedello ka dhacayaan gobolka Geeska Africa, kadib markii Abiy Axmed, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo xukunka la wareegay bishii April ee sanadkan.

Kulanka Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa la filayaa inuu ugu yaraan qaboojiyo xiisadda labadda dal ee walaalaha ah, inkasta oo aanan laga hor-dhici karin waxa kasoo bixi doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM