Khayre iyo Islow oo booqday Ciidamo Qaraxyo lagu weeraray [Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, oo ay wehliyaan Wasiirkiisa Amniga Maxamed Abuukar Islow iyo Taliyaha NISA Xuseen Cismaan Xuseen, ayaa xalay kormeeray labo goobood oo shalay ay ka dhaceen qaraxyo ismiidaamin ah.

Booqashada Ra’iisul wasaaraha ayaa ku saabsanayd dhiirri gelin iyo mahadnaq ku aaddan sidii ay Ciidanka Nabad uga hortageen qaraxyo oo ka kala dhacay Seybiyaanno iyo Lambar Afar [KM4] ee magaalada Muqdisho. Halkan ka akhri Warbixinta.

Khayre ayaa ku boqaadiyay Askarta sidii ay uga hortageen labada qarax, oo lala damacsanaa in shacab badan oo Soomaaliyeed lagu laayo, waxaana uu abaalmarin lacageed uu gudoonsiiyay Askarta ku sugan Baraha Koontarool ee KM4 iyo Seybiyaano.

Labada qarax ayaa waxaa ku dhintay inta la xaqiijiyay labo Askari oo NISA katirsanaa, iyadoo tiro kale ay ku dhaawacmeen, waxaana dhanka Al Shabaab looga dilay saddex la socotay gaariga ku qarxay Seybiyaanno.

Weerarkii shalay ayaa lagu soo beegay xilli Xukuumadda uu hogaamiyo Khayre lagu dhaliilayo inay ka gaabisay Amniga, oo ku mashquushay Mooshinka Jawaari xilka looga qaadayo.

Wasiirka amniga ayaa kamid ah Xildhibaanada Mooshinka saxiixay, ee ku jira halganka meesha looga saarayo Jawaari, gudoomiyaha Gollaha Shacabka, oo Xukuumadda u aragto inuu yahay shaqsi aan la jaan-qaadi karin siyaasadeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM