Khayre iyo Wasiirka cusub ee difaaca oo booqday Ballidoogle [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image

BALLIDOOGLE - Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa booqasho aan lasii shaacin uu ku tegay maanta Saldhiga Billidoogle oo ku yaalla gobolka Shabellaha Hoose..

Khayre waxaa ku wehlinayay booqashadiisa Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga, Saraakiisha Ciidan iyo xubno kale, kuwaasoo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya qeybihiisa kala duwan.

Saldhiga Ballidoogle oo ay ku sugan yihiin Ciidamo Mareykanka ah ayaa ku yaalla duleedka Wanlawayn ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana uu qiyaastii 70KM dhanka Waqooyi Galbeed uga beegan yahay Muqdisho.

Ujeedka socodaalka Khayre ku tegay xarunta ciidan si dhab ah looma oga, laakiin xukuumadu waxay sheegtay inuu utegay si uu ugu kuur-galo xaalada ay ku sugan yihiin ciidamada xooga iyo kuwa Danab oo halkaas ku sugan.

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa wuxuu halkaas kula hadlay Cutubyo ka tirsan ciidanka, isagoona u sheegay in dowlada ay aad uga war-qabto xaaladooda, islamarkaana mar walba diyaar u tahay inay taageero dhinac walba ay siiso.

Inta uu ku guda jiray kor-meer-kiisa Khayre ayaa wuxuu halkaas ku booqday ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya, kuwaasoo dhawaan kusoo dhaawacmay Qarax lagu eegtay degmada Wanlawayn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Howlgal ay bishan Ciidamada DFS iyo kuwa Mareykanka ka fuliyeen deegaanka Macalinka ee isla gobolkaas, ayaa la sheegay in lagu dilay dad Shacab ah, inkastoo dowlada iyo taliska ciidamada ku adkeysanayaan inay ahaayeen raga la dilay Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii la doortey dhowr jeer ku dhawaaqay in dowladdiisa ay qaadayso duulaan Al-Shabaab looga sifeynayo guud ahaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM