Khayre oo amar culus dul-dhigey hay'adaha Garsoorka iyo amniga

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu farey dhamaan hay'addaha Garsoorka iyo Amniga inay hubiyaan go'aanada iyo xukunadda ay ku fulinayaan shaqsiyaadka eedaymaha lagu soo oogo.

Khayre oo shir gudoomiye kulan bile ah, kaasoo lagu xoojinayo nidaamka cadaaladeed ee dalka ayaa waxaa marka uu soo dhamaadey warbaahinta fahfaahin ka siiyey Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka.

Baashe Yuusuf Axmed, gudoomiyaha maxkamada sarre ee dalka ayaa tibaaxay in kulankooda arrimaha leysla soo qaadey ay kamid ahayd sidii gacanta dowladda dib loogu soo celin lahaa Hantida dowlada ee maqan.

Si gaar ah Dukmiintiyadda muhiimka ah ee ka maqan gacanta dowladda, kuwaasi oo qaarkood ay haystaan bulshada qaybaheeda kala duwan ayuu afka ku balaariyey inay dardargelin doonan sidii loosoo celin ahaa.

Sidoo kale, gudoomiye Baashe wuxuu carabka ku dhuftey inay labajibaari doonan olalaha ka dhanka ah dadka sameeya Dukmiintiyada been abuurka, isaga oo ugu goodiyey inay ciqaab adag la kulmi doonan.

"Tusaale ahaan, hadii labo shaqsiyadood ay la yimaadaan dacwad madani ah, oo midkood uu wato waqrad been abuur ah, dacwada madaniga ah waa la hakinayaa, mid ciqaabeed ayaa bilaabaneysa," ayuu yiri Baashe.

Garsoorka Soomaaliya oo si wayn looga diriyey hanaankiisa cadaaladeed, inkasta oo dowladu wado dadaalo lagu hagaajinayo, balse, masuuliyiin ayaa qirey inay dadku u cadaalad doontaa dagaalamayaasha Shabaab.

Dhowaan ayey ahayd markii Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu baaqeen xukuumadda inay wax qabad muuqda ka sameyso Garsoorka, maadaama ay kamid ahayd waxyaabihii uu Olalaha ku galey Madaxwayne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM