Khayre oo dafiray heshiiskii Farmaajo iyo Abiy Axmed [DAAWO]

Image

OSLO - Ra'iisul Wasaare Khayre oo la hadlayey Jaaliyadda Soomaaliya ee Norway halkaasoo uu booqasho ku joogo ayaa beeniyay inuu jiro heshiis uu Farmaajo la galay Abiy Axmed, kaasoo Itoobiya ku maalgashaneyso 4 Dekedood oo dalka ku yaalla.

Wuxuu sheegay in qodobadii laga soo saarey kulankii ay Sabtiidii hore ku yeesheen Madaxtooyadda labada hogaamiye ay yihiin kuwa Is-afgarad ah, oo War-murtiyeed lagu soo saarey, balse aan ahayn heshiis rasmi ah.

Khayre ayaa ku eedeeyay shaqsiyaad uu ku tilmaamay inay kasoo horjeedaan dowladnimada Soomaaliya inay siyaasadeedeeyeen War-murtiyeedka, isagoo carabka ku adkeeyay in aysan jirin deked Soomaaliyeed oo Itoobiya la siiyay.

"Ma jiraan wax heshiis ah oo lala galay Itoobiya, mana jiraan wax Dekado ah oo la siiyay, tani waxay kamid tahay dhibaatooyinka na haysta in hadalada la siyaasadeeyo, sidaasna waxaa sameynaya dad dowladnimadeena kasoo horjeeda," ayuu yiri Khayre.

Hadalka Khayre ayaa imaanaya saacado kadib markii uu isna Farmaajo difaacay Heshiiskii Is-afgaradka ee ka koobnaa 16-ka qodob ee uu Villa Soomaaliya kula saxiixday Abiy Axmed Todobaadkan booqasho saacado qaadatey ku yimid Muqdisho.

Qodobadii lagu heshiiyay waxaa qeyb ka ahaa in labada dowladood ay wada maalgishtaan afar dekadood, oo ku yaalla Soomaaliya kuwaasi oo aan magacyadooda lagu sheegin War-murtiyeedka.

Laakiin, Madaxweynaha HirShabeella sheegay in mid kamid ah Dekedaha ay ku yaalla degaanka Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo kuwa kale loo maleynayo inay ku jirto tan Berbera, oo Itoobiya bishii April ee 2018 laga siiyay saami dhanka 19%. [Halkan ka akhri Warka].

Tani waxay keentay in Shacabka Soomaaliyeed ay si carro leh uga fal-celiyaan, lamana oga waxa iska bedali kara quluubtooda kadib hadallada Khayre iyo Farmaajo ay ku dafirayaan Heshiiskan la galay.

Sikastaba, waxaa soo baxaya ku kala aragti duwanaansho madaxda ugu sareysa dalka oo heshiiskaan ku saabsan, maadaama Farmaajo ku tilmaamay mid wax ku ool ah, halka Khayre uu isana gabi ahaan waxba kama jiraan kasoo qaaday jiritaankiisa.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles