Khayre oo gaarey Jowhar, dhagax dhigayana Mashaariic

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa gaarey maanta magaalada Jowhar, ee xarunta maamulka HirShabeelle, halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen mas'uuliyiin uu Madaxwayne Waare kamid yahay.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Federaalka ayaa xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe u tagay si uu u dhagax-dhigo mashaariic horumarineed, oo kala duwan oo laga hir-gelinayo magaaladdaan qadiimigi ah ee Jowhar.

Mashruucyadda uu Khayre dhagax-dhigayo ayaa waxaa kamid ah mid lagu dhisayo garoonka diyaaradaha Jowhar, dhismaha xarunta Baarlamaanka HirShabeelle iyo wadada isku xirta madxtooyada iyo garoonka.

Socdaalka Khayre oo ah mid aanan horey loosii shaacin ayaa kusoo aadaya xili dhowaan Madaxwayne Maxamed Cabdi Waare uu heshiis la gaarey dowladda xili uu ka baxay safka Maamuladda oo Villa Soomaaliya xiriirka wadashaqaynta u jaray.

Mashaariicda oo ay maal-gelinayso Qadar ayaa qayb ka ah balanqaad uu maamulka Farmaajo u fidiyay Madaxwayne Waare markii qalinka ku jiidayey heshiiska, kaasi oo la rumeysan yahay inuu ku helayo dhaqaalo badan.

Khayre ayaa lagu wadaa inuu Muqdisho oo uu ka dhoofay dib ugu soo laabto saacaha dambe ee maanta oo Isniin ah, xili inta uu ku sugan yahay caasimada dowlad goboleedka HirShabeelle ciidamo badan lasoo dhoobay goobaha uu tagayo Ra'iisul Wasaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM