Khayre oo gudoomiyay Shir looga hadlay dagaalka Al-Shabaab

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa gudoomiyay shir heer-sare ah oo looga hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshaha kala guurka ee amniga dalka loogu wareejinayo ciidamada dowladda Federaalka.

Shirka waxaa ka qeyb galeen Ergayga Midowga Africa ee Soomaaliya, Francisco Madeira, ku xigeenkiisa, Simon Mulongo, wakiilo ka socday UN-ka iyo taliyeyaasha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed, ayaa sidoo kale goobjoog ahaa, waxaana ka qeybgaliyaasha ay bogaadiyeen howlgalladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab looga saarey Sabiid, Bariire iyo Caanoole, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Degaanada cusub ee lala wareegay ayaa 60-KM uga beegan dhanka galbeed magaaladda Muqdisho kuwaasoo mudo sanado ah ay ku sugnaayeen xoogaga Ururka Al-Shabaab.

“Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shir ay isugu yimaadeen hay'adaha amniga dalka, hay'adaha iyo dowladaha amniga ka taageera DFS. Shirka ayaa looga hadlay dardar-gelinta howl-gallada argagaxisada dalka looga xoreynayo,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Ra’iisul Wasaaraha.

Dowladda Federaalka ayaa dhowr jeer ku cel-celisay tan iyo markii ay xafaiiska timid 2017 inay duulaan ku qaadeyso Al-Shabaab, oo ka saarayso goobaha ay dalka kaga sugan tahay Kooxdan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM