Khayre oo isku shaan-dheyn ku sameeyay Gollahiisa Wasiirada

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa isku shaandheyn yar ku sameeyay Gollahiisa wasiirada, xili uu maanta oo Axad ah safar ugu ambabaxay dalka Suudaan.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Daahir Maxmuud Geelle ayaa warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegto kasoo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaaraha, taasoo lagu magacaabay xubno cusub oo Gollaha wasiirada kusoo biiray.

Xubna la magacaabay

1 -Cabdillaahi Goodax Barre, Wasiirka Waxbarashada, waxaa xilkan laga qaadey dhawaan Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

2 - Xuseen Sheekh Maxamuud, Wasiirka Xannaanada Xoolaha,

3 - Sheekh Nuur Cali Xasan, ayaa loo magacaabay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, isagoo laga soo wareejiyay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

4 - Cabdiqaadir Sheekh Baqdaadi, waxaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada [Villa Soomaaliya], waxaana xilkan laga qaadey Cabdiqaadir Maclin Nuur.

5 - Cabdullaahi Bidhaan Warsame, waxaa loo magacaabay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda,

6 - Shawaqar Ibraahim, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysaa xilli Khayre uu xilka qaadis badan ku sameeyay wasiiro kamid ahaa Xukuumadiisa, taasoo lagu dhaliilay inay ka gaabis arrimo badan oo amniga ugu horeeyo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM