Khayre oo la kulmay Boqor Salman [Maxay kawada hadleen?]

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Wafdiga Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ee ku sugan maalintii labaad dalka Sacuudiga ayaa maanta qasriga madaxtooyadda kula kulmay boqor Salman Bin Cabdicasiis.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kawada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

"Waxaa sharaf ii ah inaan la kulmo Boqor Salman Bin Cabdicasiis, waxaana kawada hadalnay arrimo badan oo ku saabsan danaha guud iyo xoojinta xiriirka taariikheed ee labada dal. Kulanku wuxuu ahaa mid faa'iido leh oo miro ah," ayuu lagu yiri qoraalka.

Khayre ayaa sidoo kale is arkeen shalay madax katirsan boqortooyadda Sacuudiga, oo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi kamid yahay, iyadoo booqashadiisa labada maalmood ah la filayo inuu maanta oo Arbaco ah soo afjaro.

Safarka Khayre ee Sacuudiga oo ah midkii ugu horeeyay oo uu ku tago Sacuudiga tan iyo markii la magacaabay Febuary 2017, ayaa yimid kadib markii uu isaga codsaday in loo soo diro casuumaad, taasoo mudo uu sugayay.

Xiriirka Sacuudiga iyo Dowladda Soomaaliya ayaa xumaa mudooyinkii dambe, iyadoo beeshii ugu hooseysay uu gaarey markii Xukuumadda Khayre sheegtay inay dhex-dhexaad ka tahay xisaadda u dhaxeysa dalalka Khaliijka carabta.

Mowqifka Dhexdhexaadnimada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mid afka baarkiisa ah, kadib markii ay si dadban ula safatay Qadar, oo rag miisaan leh ku dhex leh dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM

Puntland oo xoojisay la dagaallanka kalluumaysiga sharci-darrada ah

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasaa inay sanadkii ku lumiso ku dhowaad 300 milyan oo doollar kalluumaysiga sharci-darrada ah.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 12:13PM