Khayre oo muddo kororsi uga digay madaxda federaalka iyo maamulada

Image
Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya ayaa fariin u diray madaxda shirka uga bilowday magaaladda Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa fariin u diray madaxda Soomaalida ee shirka uu maanta uga furmay magaalada Muqdisho.

Khayre oo ah Murashax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya ayaa ugu baaqay hogaamiyeyaasha Soomaalida in ay ka fogaadaan muddo kororsi horleh taasoo keeni karta xasilooni darro baahsan.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KHAYRE

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxa uu ku soo aadayaa iyada oo dalku wajahayo hubanti la’aan siyaasadeed iyo duullaan shisheeye oo ay Itoobiya ku soo qaadday baddeenna.

Waxaan madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ugu baaqayaa in ay masuuliyad iska saaraan samatabixinta dalka, danta guud ka hormariyaan dantooda gaarka ah, kana fogaadaan muddo-kororsi abuuraya khilaaf hor leh, xasillooni la’aan, iyo hubanti la’aan siyaasadeed, siina kala dhantaalaya midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dadkeenna.

Sharciyaddu waa ruuxda dowladnimada, waxaana bixiya dastuurka dalka iyo sanaadiiqda doorashooyinka. Khibrad nagu filan ayaanna u leennahay cawaaqibta muddo-kororsi sharcidarro ah, kaas oo khatar ku ah geeddi-socodka dowladnimada, midnimada umadda, xasilloonida dalka iyo amniga qaranka.

Jidka kaliya ee maanta dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed u furan waa in laga fogaado muddo-kororsi hor leh, degdegna loo qabto doorashooyinka Dowlad-Goboleedyada oo waqtigoodu dhammaaday, lagana wada heshiiyo doorashooyinka Federaalka, si doorasho wadar-oggol ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhacdo May 15, 2026.

Ugu dambeyntii, si loo samatabixiyo midnimada dalka iyo wadajirka ummadda, waa in xal waara loo helaa tabashooyinka Puntland, lagana qeybgeliyo geeddi-socodka dowladnimada iyo doorashooyinka qaranka, si looga fogaado wax waliba oo sii kordhin kara khilaaf, kala-shaki, iyo hubanti la’aan siyaasadeed.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM