Khayre oo Puntland ugu hambalyeeyay 21 guurada markii la yag-leelay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa qeybaha kala duwan ee Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda xuska 1-da August oo ku beegan 21 sano guurada kasoo wareegtay maalintii dhidibada loo taagay.

“Hambalyo dhammaan reer Puntland. Waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda 21 guurada ka soo wareegatay markii la aasaasay Dowlad Goboleedka Puntland," ayuu yiri Khayre.

Khayre ayaa bogaadiyay horumarka dhanka maamulka iyo xasilloonida ay Puntland ku tillaabsatay 21-ka sano ee ay jirtay, waxa uuna ku dhiirri geliyay in ay sii xoojiyaan ka shaqeynta horumarka dalka.

"Waxaan bogaadinayaa horumarka ay Puntland ku tillaabsatay 21kii sano ee ay jirtay,” ayuu yiri Khayre sidda ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa, maanta oo Khamiis ah.

Sidda laga soo xigtay bayaanka, Ra’iisul Wasaaraha ayaa reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay horumar ballaaran, nabad iyo barwaaqo.

Bishii Agoosto, 1-deeda, sanadkii 1998-dii, ayay ahayd markii la yag-leelay Puntland, taasi oo ka dhigeysa maamulka ugu da'da weyn dowladaha xubnaha ka ah federaalka Soomaaliya.

Munaasabado maalintan lagu maamusayo ayaa ka kala qabsoomaya magaalooyinka kala duwan ee Puntland, waxaana ka qeybgalay marti sharaf kala gedisan oo lagu casuumay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM