Khayre oo sababeeyay baaqashada Farmaajo ee xaflada Aqalka Sare

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay sababta uu Madaxwaynaha uga baaqday munaasabada furitaanka kal-fadhiga 5aad ee Aqalka Sare.

Xafladda oo lagu qabtay xarunta Senate-ka ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka qaybgalaya marti sharaf kala duwan.

Amniga caasimada ayaa sare loo qaaday, iyadda oo dhamaan wadooyinka la xiray, waxaana lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah.

Xasan Cali Khayre, wasiirka koowaad ee xukuumada federaalka ah, ayaa shaaciyay in Farmaajo uu ku seegay munaasabada howlo deg deg gaar ahaan xaalada amni ee wadanka.

"Madaxwaynaha aniga ayuu isoo wakiishay oo ra'iisul wasaarihiisii ah," ayuu hadalkiisa kusii daray Khayre, kaasi oo madasha ka jeediyay khudbad dhinacyo kala duwan taabaneysay.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa kusoo aadaya xili si wayn loo hadalhayo waxa dhaliyay in Farmaajo ka dib dhaco furitaanka kal-fadhiga, xili tahay dastuuri in uu isaga furo.

Sidda ku cad dastuurka ku meel gaarka ah ee dalku leeyahay, awoodaha uu leeyahay ra’iisul wasaaruhu kaliya waxay ku kooban yihiin in uu kulamo isugu yeeri karo sharcidejinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Xasan Sheekh kala hadlay Taliyaha AFRICOM ?

Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:58AM

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weeraro ka dhacay Sudan

Dhinaca kale, ciidamada milatariga Suudaan ayaa duqeymo diyaaradeed ka geystay meelo muhiim ah oo ay ka mid yihiin garoonka diyaaradaha.

  • Soomaliya

    07-05-2025

  • 08:25AM