Wasiirada Soomaaliya oo shir deg deg la isugu yeeray [Maxaa soo kordhay?]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa caawa shir degdeg ah isagu yeeray Gollihiisa Wasiiradda, kaasi oo ka dhacay xarunta Villa Somalia.

Wali lama oga ajandooyinka rasmiga ah ee looga hadlay Shirkan aan caadiga ahayn, ee Khayre la yeeshay xubnaha Gollihiisa Wasiiradda, balse warar hoose oo GO uu helay ayaa sheegay in looga dooday sidii Xukuumadda u waji lahayd su'aallaha BFS.

Wasiiradda difaaca iyo amniga ayaa lagu wadaa in maalin berri ah hortagaan Gollaha Shacabka, kadib markii dhawaan looga yeeray, waxaana Xildhibaanada ay su'aallo ka waydiin doonaan amni darrada Muqdisho.

Xukuumadda ayaa kulanka caawa uga arinsanaysay qaabka loo wahayo Baarlamaanka iyo sidii ay isku difaaci lahaayeen Labada wasiir ee loo yeeray, kuwaasoo ay wehlin doonan taliyeyaasha ciidamada booliska iyo NISA.

Kulamada Gollaha Shacabka ayaa waxaa hareeyay baaqasho, iyadoo inta badan Xildhibaanada wasiiradda ah markii xaaladda noocan ah timaada aan xaadirin Kulamada, si ay kooram la'aan ugu baaqdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM