Kheyre oo Jawaab Culus ka bixiyey Shuruudihii Maamul Goboleedyada [DAAWO]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa jawaab ka bixiyay war kasoo yeeray Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, kuwaasi su'aal ka keenay amniga Muqdisho iyo shirka gollaha amniga qaranka.

Kheyre ayaa sheegay in maamulka Farmaajo uusan marnaba aqbali doonin soo jeedinta ka timid hogaanka maamuladda, isagoo si adag gaashaanka ugu dhuftay warka ku saabsan in nabad-gelyada Muqdisho ay tahay mid aan laysku haleyn karin.

"Muqdisho ma ahan magaalo ay leedahay qolo gaar ah, waa magaalo Soomaaliyeed, waana magaalo madaxda dalka, qof walba oo fekerkaasi aaminsan, waxaan xasuusinayaa in Muqdisho ay tahay muraayadda dalka," ayuu Kheyre ka sheegay kulan uu ka qaybgalay.

Hadalka Khayre wuxuu imaanayaa xili maalin kahor magaalada caasimada ah qarax lagu beegsaday xubin ka tirsan Gollaha Shacabka Soomaaliya, taasoo dhaawac culus uu kasoo gaarey xili uu ku dhintay Darawalkii u waday Gaariga la qarxiyey.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya oo sii hadlaya ayaa tibaaxay in dowladda haatan jirta ay aqbalayso wax kasta oo tabasho siyaasadeed ah, balse, si loo xaliyo arrimahaasi aysan dooneyn inay dhex-dhaxaadiyaasha kamid noqdaan dad Ajnabi ah.

"Waqtigii la dhihi jiray hogaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya ha u kala garqaado dad Ajnabi ah, waa lasoo dhaafay. Dowladnimadda Soomaaliya waxay haatan mareysaa in shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ay dareen inay soo laabatay sharafkooda," ayuu raaciyey Kheyre.

Arrimahaan oo dhan ayaa qayb ka ah khilaaf siyaasadeed oo sii xoogeysanaya iyo hadalo ay warbaahinta isku marinayaan madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadda, taasoo xeel-dheerayasha siyaasadda ka dhigayaan inay sii socoto.

HALKAN HOOS KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM