Kheyre oo si lama filaan ah xilkii uga qaaday Wasiir kale [Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta oo Khamiis ah xilka qaadis ku sameeyay Wasiirka Waxbarashadda xukuumadda, Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Wareegto ku taariikheysan 26-ka July ee sanadka 2018, islamarkaana kasoo baxday xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista Wasiirka, iyadoo aan la shaacin sababta ka dambeysa go'aanka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir ayaa loo magacaabay sii-haya wasiirka Wasaradda Waxbrashadda ee xukuumadda Soomaaliya.

Xilka qaadista Wasiirka, ayaa imaaneysa saacado un kadib markii uu saxaafadda usoo bandhigay natiijadda Imtixaanadda shaadiga 2017-2918 ee Dugsiyada Sare ee dalka.

Wasiirka ayaa maalmihii lasoo dhaafey waxaa culeys ka haystey hadal uu ka sheegey Jaamacadaha ka jira dalka Soomaaliya burburka kadib kuwasoo uu yiri ma aqoonsani.

Wasiirka ayaa saxaafada markale u sheegey in hadalkiisa si qaldan loo tarjumey uuna sidaas ula jeedin.

Hadalka Wasiirka ayaa kiciyey ardeyda Jaamcadaha Muqdisho iyo maamulayaasha xarumahaas kuwaas oo maanta intaan waraaqda xil ka qaadista mas’uulkaan soo bixin diyaarinayey mudahradayo iney sameeyaan.

Wasiirka xilka laga qaadey oo kasoo jeeda beeshq Xawaadle ayaa waxaa la filayaa in lagu badalo xildhibaan Goodax oo in muddo ah ku dhowaan xafiiska RW Khayre.

Ra’isal wasaare ayaa xilalka ka qaadey intii xilkaan loo magacaabey 5 Wasiir halka kuwa kalena iska casileen kuwasoo ay ku jireen kuwo u adkeysan waayey faragalin lagu sameeyey shaqooyinkooda.

Bishaan horaanteedii ayay ahayd markii xilka qaadis uu ku sameeyay Khayre Wasiirkii Awqaafta iyo arrimaha Diinta, kaasoo la rumeysan yahayn inuu xilkiisa ku waayay kadib markii uu ku lug-yeeshay muran ka jiray dhanka Xajka oo hadda la xaliyay.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xili uu fashilmay qorshihii amniga qaranka oo ay caasimada u dejisay xukuumadda, taasoo sababtay in Madaxtooyada, gaara ahaan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo uu faraha lasoo gallo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM