Khilaaf soo kala dhex-galay DDSI iyo Abiy Axmed [Shir la qabanayo]

Image

JIGJIGA - Madaxwaynaha maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa shir deg deg ah isugu yeeray Golihiisa Wasiirada maanta oo Arbaco ah.

Kulankaan ayaa imaanaya iyadoo Talaadadii uu Mustafa Maxamed Cumar [Cagjar] kasoo laabtey caasimada Addis Ababa markii ay halkaasi uga yeereen madaxda Federaalka oo uu lasoo kulmay.

Shirka Wasiirada oo ah mid xasaasi ah ayaa lagu lafaguri doonaa xaaladihii ugu dambeeyay ee degaanka iyo wixii uu Madaxwaynuhu kala soo kulmay madaxdii uu kula soo kulmay magaalo madaxda dalkaan aan Badda lahayn.

Mad-madow ayaa la sheegay soo kala dhex-galay maamulka Mustafa Cagjar iyo xukuumada Abiy Axmed, taasoo warar aan la xaqiijin ay kasoo baxayaan waxyaabaha uu salka ku hayo.

Cagjar oo ku yimid isbedal ka curtay DDSI kadib muddo uu kalitaliye maamulayay ayaa wajahaya caqabado dhowr ah sida; xalinta colaada Oromada iyo Soomaalida, xariga Cabdi Illey, oo xilka kala wareegay.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu sidoo kale is-fahan-waa udhaxeeya Mustafa Cagjar iyo Gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Axmed Shide, ahna Wasiirka Maaliyada dowlada Itoobiya.

Khilaafkaan cusub oo in muddo soo jiitamayay ayaa lasoo warinayaa inuu salka ku hayo shirka guud ee xisbiga iyo cidda kasoo qaybgalaysa, kaasoo lagu wado inuu qabsoomo bilooyinka soo socda.

Xasaraddaan siyaasadeed ayaa imaaneysa iyada oo Jabhada ONLF ay ku dhawaaqday xisbi ka qaybgalay doorashada Madaxtooyada ee 2021-ka, taasoo loolan adag ku furi doonta xisbiga kaliya ee haatan ka jira gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Sidee Looga Saari Karaa Al-Shabaab Magaalada Istiraatiijiga ah ee Moqokori?

Si dib loogu qabsado Moqokori, waxaa la rumeysan yahay in loo baahan yahay in Macawiisleyda dib la isu abaabulo.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:56PM

Qarax Is-miidaamin ah oo Ka Dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijisay in qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay agagaarka Jaalle Siyaad.

  • Soomaliya

    09-07-2025

  • 01:17PM