Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Image

Muqdisho – Wafdiyada matalaya maamulada Jubaland iyo Puntland ee ka qeyb galayay wada-hadallada siyaasadeed ee ka socday Muqdisho ayaa maanta ka ambabaxaya caasimadda, kadib markii ay muujiyeen sida ay uga niyad jabeen jihada ay u socdaan wadahadallada.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, wafdiyadu waxay go'aansadeen inay ka baxaan Muqdisho kadib markii ay ku qanceen in wada-hadalladu aysan wax horumar muuqda sameyn, isla markaana arrimo muhiim ah oo la isku hayo aan weli xal laga gaarin.

Ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in wakiillada Jubbaland iyo Puntland ay ku doodeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan diyaar u ahayn inuu tanaasul ka sameeyo arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka Federaalka Soomaaliya, taasoo ay sheegeen inay sabab u noqotay ismariwaaga ka taagan wada-hadallada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale sheegashada la xiriirta halka ay marayaan wada-hadallada siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM