Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Image

Muqdisho – Wafdiyada matalaya maamulada Jubaland iyo Puntland ee ka qeyb galayay wada-hadallada siyaasadeed ee ka socday Muqdisho ayaa maanta ka ambabaxaya caasimadda, kadib markii ay muujiyeen sida ay uga niyad jabeen jihada ay u socdaan wadahadallada.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, wafdiyadu waxay go'aansadeen inay ka baxaan Muqdisho kadib markii ay ku qanceen in wada-hadalladu aysan wax horumar muuqda sameyn, isla markaana arrimo muhiim ah oo la isku hayo aan weli xal laga gaarin.

Ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in wakiillada Jubbaland iyo Puntland ay ku doodeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uusan diyaar u ahayn inuu tanaasul ka sameeyo arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka Federaalka Soomaaliya, taasoo ay sheegeen inay sabab u noqotay ismariwaaga ka taagan wada-hadallada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland, iyo sidoo kale sheegashada la xiriirta halka ay marayaan wada-hadallada siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Safarka madaxweynaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogaysanayaan khilaafaadka siyaasadeed…

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 05:40PM

Maxaa sababay in Xasan Sheekh uu shir iclaamiyo, kadibna safar degdeg ah ugu ambabaxo Uganda?

Mucaaradku waxay ku doodayaan in hannaankaasi uu dalka geliyey kala qaybsanaan siyaasadeed, hubanti la’aan iyo xasillooni-darro.

  • Soomaliya

    26-10-2026

  • 11:56AM