Khilaafkii arrimaha Xajka oo la xaliyay [Maxaa lagu heshiiyay?]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa heshiis laga gaarey murankii ka taagnaa arrimaha Xajka sanadkan, kadib markii uu Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu wafdi u diray dalka Sacuudiga.

Farxaan Sheekh Maxamuud oo ah sarkaalka safaaradda Soomaaliya ee Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Xajka, ayaa xaqiijiyay in Khilaafka lagu soo dhameeyay in dhamaan Shirkadaha diyaaradaha Soomaalida ay si wadajir ah u daabulaan xujeyda.

Mas'uulkan oo wareysi siiyay warbaahinta maxaliga ah, ayaa shaaciyay in bixinta Fiisooyinka ay billaaban doonto labada maalmood ee soo socda, maadaama caqabihii jiray hadda la xaliyay.

Waxaa Shirkadahan kala ah Jubba Airways, Daallo Airlines, Ocean, Freedom iyo East Africa lagu heshiiyay inay Soomaaliya ka qaadaan 9,300 [Sagaal Kun iyo Saddex Boqol], kuwaasoo mudooyinkii dambe tartan xooggan u dhaxeeyay.

Jubba iyo Daallo, ayaa toos u tagi doona Sacuudiga, maadaama ay ruqsad ka heystaan dowladda wadankaasi, halka Ocean, Freedom Air iyo East Africa ay xujeyda geyn doonaan Nairobi iyo Jabuuti, oo kasii qaadi doono Diyaaradda Saudi Arabian Airlines.

Labadan Shirkadood [Jubba iyo Daallo], oo horey u heysan jiray leynka Xajka ayaa sanadkan lagu farageliyay Suuqa daabulista Xujeyda, iyadoo ay dowladda Soomaaliya la gashay dagaal xooggan, oo ku khasbaya inay shirkado cusub tartanka soo galaan.

Saciid Nuur Gariish, oo ah Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo leh Shirkadda Jubba Airways, ayaa dedaal badan ku bixiyay sidii aysan shirkad kale usoo gali lahan suuqa, balse taaso u suurta-gali waysay sida muuqata.

Jubba iyo Daallo ayaa qeybsanaya 6,000 oo xujey ah, halka saddexda shirkadood ee lagu soo kordhiyay ay qeybsanayaan 3,300, waxaana DFS xaddiday qiimaha lacagta lagu qaadayo xujeyda, oo horey u ahayd $3,900 illaa $4,000, balse hadda laga dhigay $3,300.

Qiimaha ayaa ku jiraan dhammaan adeegyada xajka kala duwan sida degaanka, basaska, viisaha, Ticket-ka, diyaaradda duulimaadka sii socod iyo soo socod[Go and Back]  iyo qarashaadka adeegyada kale.

Arintan ayaa imaanaysa xilli dhawaan uu Ra'iisul Wasaare Khayre xilkii ka qaadey Wasiirkiisii Diinta iyo Awqaafta, kaasoo la sheegay inuu ku lug yeeshay musuq-maasuq ku aasan arrimaha xajka, isagoo heshiis la galay shirkado gaar ah oo doonayay inay kaligooda xujeyda u qaadaan Sacuudiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM