Khudbadaha madaxda Somalida ee Kismayo [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image

14 January, 2016(GO)-Shir maanta madaxda Somalida uga furmay magalada Kismayo ayaa looga hadlayaa arrimo kusaabsan xaaladda Somalia iyo qaabka loo wajahayo doorashada sannadkan ka dhacaysa dalka.

Kulanka oo maanta ku koobaan furitaan qura ayaa laga soo jeediyay khudbado looga hadlay xaaladda lagu jiro iyo rajada laga qabo in wax wanaagsan kasoo baxay kulamada Kismayo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo kalmad soo dhaweyn ah furitaankii shirka kajeediyay ayaa tilmaamay inay qabaan rajo wanaagsan, wuxuuna tilmaamay inay ku niyad samaanayaan kulanka Kismayo oo wanaag iyo is-afgarad kusoo idlaada.

Cabdikariim Xuseen Guulleed Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa dhankiisa ka hadlay ahmiyadda shirkan, wuxuuna sheegay in muhiim tahay ka fogaanshaha waxkasta oo keeni kara khilaaf iyo kala fogaanshaha umadda Somaliyeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna hadlay ayaa carrabka ku dhuftay in la joogo waqtigii laga shaqayn lahaa hormarka umadda Somaliyeed, wuxuuna soo dhaweyay wadahadal laga gaaro waxyaabaha lagu kala aragti duwanyahay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay doorka Puntland ka qaadatay dowladnimada Somalia ayaa xusay in mowqifkooda horay usoo gudbiyeen islamarkaana kusalaysanyahay deegaan.

Gaas ayaa kacodsaday beesha caalamka inay sii wado taageerada ay la garab taagantahay shacbiga iyo dowladda Somaliyeed, isagoo shirka u rajeeyay inuu noqday kii guulaysta.

Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo madasha furitaanka shirka Kismayo ka hadlay ayaa sheegay xalka dalka gaari karaan Somalia oo qura, isagoo muujiyay in kulankan beesha caalamku isha ku hayaan islamarkaana qiimayn doonaan go'aanka Somali gaarto.

Afhayeen Barlamanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawari ayaa madaxda ku booriyay inay qadirayaan midnimada dadka Somaliyeed kana tagaan fikir kooxeed iyo wixii la halmaama.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud oo shirka furay ayaa soo hadal qaaday hormarka dalka ku tillaabsanayo iyo qorshayaasha lagu gaari karo hiigsiga 2016, wuxuuna dhaweeyay wadatashiga umadda Somaliyeed.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inuusan matalin qolo ama deegaan gaar ah, balse soo gaaraan had iyo jeed eedo ku aadan tabashooyin dadku qabaan, wuxuuna xusay in baahida jirta lagu xallin karo dulqaad iyo in siday u kala muhiimsanyihiin loo kala hormariyo.

Madaxweynuhu wuxuu rajo kamuujiyay xal laga gaaro waxyaabaha lagu muransanyahay iyo cabsida laga qabo in la lunsado hanti qaran.

Khudbada Xasan Sheekh oo dheerayd ayuu beesha caalamka ugu baaqay in markasta loo baahanyahay caawimaadooda, isagoo uga mahadceliyay tageeradii ay siiyeen Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM