Kismaayo: Mamnuucida Indho-shareerka iyo Shirka Wadatashiga
KISMAAYO, Jubaland - Ciidamada amaanka dowlad goboleedka Jubaland ayaa la wareegay boqollaal indho-shareer ah oo ay wateen haweenka ku dhaqan Kismaayo, sida uu sheegay taliyaha booliiska magaalada.
Warsame Axmed Geelle oo u warramayay TV-ga dowladda ayaa sheegay in maamulka uu waddo howlgallo ay kula dagaallamayaan indho-shareerka oo sidoo kale loo yaqaano Niqaabka.
"Howlgalladan ayaa ka dhashay walaac laga qabo in maleyshiyaadka Al-Shabaab ay qariyaan aqoonsigooda oo ay weeraro geystaan," ayuu yiri Mr Warsame.
Jimcihii lasoo dhaafay, in ka badan 30 qof ayaa lagu dilay tiro ka badan 60 kalana waa lagu dhaawacay weerar ka dhacay xeebta Liido ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkan, hay'adaha ammaanka Kismaayo ayaa sii dardargeliyay gulufkan waxaana ay joojinayaan haween iyaga oo ka dalbanaya in ay furaan Niqaabka haddii ay wataan.
Si kastaba ha ahaatee inta badan haweenka Soomaaliyeed ayaa waxa ay weli door bida xijaabka iyo indho-shareerka waxaana sabab u ah ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Talaabadan dheeraad ah ee lagu sugayo ammaanka Kismaayo ayaa kusoo aadaysa xilli lagu waddo in magaalada ay martigeliso Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo maamuladda.
Kulankan oo si weyn isha loogu hayo ayaa, sidda la sheegay, waxaa diiradda lagu saarayaa doorashooyinka maamul goboleedyadda iyo tan federaalka kuwaas oo horey loogu balamay in ay isku waqti qabsoomaan.
Qaar kamid ah hogaamiyeyaasha maamuladda ayaa doonaya in ay qabsadaan doorasho u gaar ah kahor sanadka 2026-ka taas oo Madaxtooaydda Soomaaliya ay u aragto mid baalmarsan qorshaheeda.
Sikastaba ha ahaatee, natiijadda kasoo bixi doonta shirkan - haddii uu qabsoomo iyaddoo Puntland maqan tahay - waxay jaangoyn doontaa halka u jiheysaneyso qibladda siyaasadda Soomaaliya labadda sano soo aadan.
GAROWE ONLINE