Kismaayo oo martigelinaysa Shirka madaxda maamullada [XOG]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaban-qaabadda shirkii 3aad ee Gollaha Iskaashiga Dowlad goboleedyadda ayaa ka socota magaaladda Kismaayo ee xarunta KMG Jubbalan, halkaasoo gollaha lagu aas-aasey sanadkii tagey.

Madashan oo ay ku midaysan yihiin hogaamiyaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, kaasoo la sameeyay sanadkii hore ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah ufurmo shirkooda 3-da bishaan September ee 2018.

Illo xog ogaal ah ayaa kusoo waramaya in kulanka hor ay yeesheen madaxda maamuladda kulan khadka Telafoonka, kaasoo ay uga wada hadleen Ajandayaasha lagu gorfayn doono shirka, kaasoo ay ku hareeraysan yihiin siyaasado dhowr ah.

Qodobadda shirkaan looga hadli doono ayaa la fahansan yahay inay qayb ka tahay doorashooyinka kusoo food leh saddex kamid ah maamuladda, kuwaasoo kala ah Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, xili ay wajahayaan loolan siyaasadeed oo adag.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirkaan sidoo kale laysla soo qaadi doono cilqaadka liita ee ka dhaxeeya dowlada Federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaasoo la aaminsan yahay inay isku maan-dhaafsan yihiin hogaamiyaasha sidii loo xalin lahaa.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa si xoogan loo adkeeyay waxaana wadooyinka qaar ee soo gala halka loo qorsheeyay inuu shirkaan ka qabsoomo loosoo daabulay ciidamo Soomaali iyo AMISOM ah, kuwaasoo nabad-gelyadda si adag u sugaya.

Wafuuda Madaxwayneyaasha ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda ay gaaraan Kismaayo, xili ay soo baxayaan warar sheegaya in laga yaabo inay maanta ay bilaabato hogaamiyaasha maamuladda iska xaadirin doonta caasimada KMG Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa isha ku haysa shirka, maadaama qodobadda looga hadli doono iyo waxa kasoo bixi doono shirka uu noqon doono mid dhankeeda ugu yaraan saamayn doono, sida shirarkii horey looga arkay war-muriyeedyadii kasoo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo sameeyay isku-shaandheyn kusoo aaday xili xasaasi ah

Cabdisalaam Cabdi Cali, oo lix bilood uun ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad, ayaa loo wareejiyay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda.

  • Soomaliya

    27-04-2025

  • 07:42PM

Xasan Sheekh oo Shuruud ku xiray mar 3aad inuu u tartamo xilka Madaxweynaha

Muqdisho kaliya ayaa la sheegay inay macquul tahay in dadweyne ka codeeyaan, maadaama dowladda 100% xukunto.

  • Soomaliya

    27-04-2025

  • 01:15PM