​Kismaayo: Qarax la fashiliyay

Image

KISMAYO- Ciidamada ammaanka magalada Kismayo, ayaa maanta ku guulaystay inay fashiliyaan weerar la damacsanaa in lagu qaado goob dad shacab ah adeegsadaan, kadib markii lagu aasay Miino.

Wararka ayaa sheegay in qaraxaasi si nabad ah goobta looga saaray, waxaana saraakiisha amniga Jubbaland ku warameen inay heleen xog sheegay arrintaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dad shacab ah.

Majirto cid loo soo qabtay falkaasi oo loo malaynayo inay ka dambeeyaan, balse waxaa lagu tumhay inay ka dambeeyeen mallayshiyada kooxda Shabaab ee Somalia.

Maamulka Jubbaland ayaa horay u shaaciyay inuu adkeeyay ammaanka goobaha muhiimka ah ee la isugu yimaado magalada Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM