Koonfur Galbeed oo cambaareysay dil shan ruux loogu geystay Galmudug

Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed [Lafta Gareen] ayaa cambaareeyay dil shan ruux oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed todobaadkan loogu geystay Galmudug.

Shaqsiyaadkaas oo sababta loo beegsaday ay warar kala duwan kasoo baxayaan ayaa waxaa lagu khaarijiyey tuuladda Bulacle oo dhinaca Koofureed kaga beegan magaaladda Dhuusomareeb.

War qoraal ah oo kasoo baxay Shirka Golaha Wasiirada maamulka Baydhabo oo Khamiista maanta ah qabsoomay ayaa lagu xusay in Lafta Gareen "uu rajeynayo in lasoo qabto dadkii dilka ka dambeeyay".

"Waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo qoyskii ay ka baxeen dadkaasi sida foosha xun loogu dilay magaaladda Dhuusamareeb," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaanka kasoo baxay shirkaasi isbuuc-laha.

Laamaha ammaanka caasimadda dowlad goboleedka uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, illaa iyo haatan, kama aysan hadlin dhacdadaasi.

Dilka loo geystay shantaasi ruux ayaa imaanaya xili goobta lagu bartilmaameedsaday ay ka taagneyd mudooyinkii dambe xiisad dagaal oo u dhaxeysa beelo walaalo ah.

Lama xaqiijin karo hadii ay falka dilka ah uu la xiriiro colaadaasi.

Dhacdadaasi ayaa timid iyadda oo madaxda maamulka Galmudug ay beeniyeen warar sheegayay in dadka kasoo jeeda Koonfur Galbeed laga mamnuucay gobolada uu ka armiyo maamulkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM