Koonfur Galbeed oo qaadacdey Shirweynaha culimada Soomaaliya

Image
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Koonfur Galbeed ayaa go'aankan loogu sababeeyay la tashi la’aan.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa uu sheegay in uusan ka qeybgalayn Shirweynaha Culimada ee ka furmaya magaalada Dooxa ee dalka Qadar.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Koonfur Galbeed ayaa go'aankan loogu sababeeyay in aan lagala tashan kaalintooda shirkan iyo in looga baxay heshiis horey loo wada galay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

War-saxaafadeed Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta Dowladda KGS

25-Feberaayo-2024; Ayadoo la tixraacayo war-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS iyo Wasaaradaha Awqaafta xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, qodabkiisa 5aad, kaas oo dhigayey in “Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Awqaafta xubnaha ka ah Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay go’aamiyeen in ay kawada shaqeeyaan qabsoomida shirweynaha 2aad ee sanadlaha ee culimada Soomaaliyeed.”

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay halkaan ka caddeyneysaa gabi ahaanba in la buriyey qodobkaas wax tashi iyo ka qaybgalina aan laga siin doorkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku lahayd shirkaas oo la filaayo inuu qabsoomo 29-July-2024.

Haddaba, madaxda dowladda iyo taabagaliyaasha shirkaan waxaan halkaan uga sheegeynaa in Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya sanadkan shirkaas aysan qayb ka ahayn, aysana jirin xubno wakiil uga ah ka qaybgalka shirkaas.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM

Saxiimad lagu burburiyey meel u dhow xeebaha Eyl—afar qof oo la sheegay inay dhinteen

Wararka qaarkood waxay sheegayaan in saxiimaddu ku sii jeedday markabka MV Sward…

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 04:16PM