KG oo si weyn looga dabaaldegay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Kusimaha Madaxweynaha, Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa Boqolal Shacabka Magaalada Baydhabo iyo Madaxdooda Kula Tukadey Salaadda Ciida Garoonka Kubada caqta Ee Dr. Ayuub Stadium .

Garoonka Salaadda lagu oogey ayaa soo bux dhaafiyay Shacabka Reer Baydhabo halkaasi oo iyaga iyo Madax Dowlad Gobolledka koonfur Galbeed Soomaaliya, ay ku tukadeen Salaada Ciidul Fidriga,

Kadib markii Salaada Ciida la tukadey ayaa halkaasi Bulshada Reer Koonfur Galbeed Hambaliyo Ku aadan Munaasabada Maalinta Ciida u direy Mr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Afhayeenka ayaa dadweynaha ku tartarsiiyey in ay u gargaaran dadka danyarta ah, maadaama shacabka degaanada Koonfur Galbeed ku nool ay ku ciidayaan daruufo kala duwan.

Daruufaha waxaa kamid ah in ay qaar kamid ah barakacyaasha ku nool magaaladda Baydhabo aysan maanta u ahayn maalin farxadeed, maadaama aysan haysan awoodin.

Maamulka ayaa lagu dhaliilay in uu ka gaabiyey sidii uu wax ugu qaban-lahaa dadkaasi. Intaasi waxaa wehlisa baqdin dhanka amaanka iyadda oo Buurhakaba kahor Salaada ciida qarax la fashiliyey.

Geesta kale, Mr Maye, ayaa kullan duco ah la qaaatey Odayaasha Dhaqanka koonfur galbeed, wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo rajeeyay horumar, nabad iyo barwaaqo.

Guud ahaan degaanada Koonfur Galbeed ayay maanta u tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, waxaana ay kala siman yihiin gobolada kale ee waddanka marka laga reebo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM