KG oo si weyn looga dabaaldegay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga

Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Kusimaha Madaxweynaha, Koonfur Galbeed Soomaaliya, Ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye, ayaa Boqolal Shacabka Magaalada Baydhabo iyo Madaxdooda Kula Tukadey Salaadda Ciida Garoonka Kubada caqta Ee Dr. Ayuub Stadium .

Garoonka Salaadda lagu oogey ayaa soo bux dhaafiyay Shacabka Reer Baydhabo halkaasi oo iyaga iyo Madax Dowlad Gobolledka koonfur Galbeed Soomaaliya, ay ku tukadeen Salaada Ciidul Fidriga,

Kadib markii Salaada Ciida la tukadey ayaa halkaasi Bulshada Reer Koonfur Galbeed Hambaliyo Ku aadan Munaasabada Maalinta Ciida u direy Mr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Afhayeenka ayaa dadweynaha ku tartarsiiyey in ay u gargaaran dadka danyarta ah, maadaama shacabka degaanada Koonfur Galbeed ku nool ay ku ciidayaan daruufo kala duwan.

Daruufaha waxaa kamid ah in ay qaar kamid ah barakacyaasha ku nool magaaladda Baydhabo aysan maanta u ahayn maalin farxadeed, maadaama aysan haysan awoodin.

Maamulka ayaa lagu dhaliilay in uu ka gaabiyey sidii uu wax ugu qaban-lahaa dadkaasi. Intaasi waxaa wehlisa baqdin dhanka amaanka iyadda oo Buurhakaba kahor Salaada ciida qarax la fashiliyey.

Geesta kale, Mr Maye, ayaa kullan duco ah la qaaatey Odayaasha Dhaqanka koonfur galbeed, wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo rajeeyay horumar, nabad iyo barwaaqo.

Guud ahaan degaanada Koonfur Galbeed ayay maanta u tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, waxaana ay kala siman yihiin gobolada kale ee waddanka marka laga reebo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu Trump u diiday inuu lacag ku bixiyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya?

Howlgalka ATMIS oo la filayo inuu gebi ahaanba baxo dabayaaqada sannadkan ayaa weli ku leeyahay mushaarooyin iyo gunnooyin gaaraya ilaa $100 milyan.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 05:31PM

Firdhiye oo Xasan Sheekh la wadaagay Warbixin ku saabsan Xaaladda SSC-Khaatumo

Firdhiye ayaa uga mahadceliyay sidoo kale Xasan Sheekh casuumaadda uu usoo diray ee ka qeybgalka Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran.

  • Soomaliya

    10-05-2025

  • 04:15PM