Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Image
Xubnahan ayaa laga soo qabqabtay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada ku xeeran.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey 12 xubnood Oo Al-Shabaab katirsan kuwaas Oo Ciidanka Gacanta kusoo dhigeen.

Xubnahan ayaa laga soo qabqabtay Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada ku xeeran kadin markii Ciidanka Howlgalo balaaran Bilihii lasoo dhaafay ka wadeen Magaalada Baydhabo iyo Deegaanada hoos yimaada.

Xubnahan gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed ayaa Khawaarijta u kala qaabilsanaa aruurinta lacagaha baadka ah (sakawaadka) iyo jabhada.

Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgalo balaaran ka wada guud ahaan Deeganada Koonfur Galbeed kuwaasi oo lagu xaqiijinaayo amniga guud ee Deeganada Koonfur Galbeed.

Ma ahan markii ugu horeysay ay Ciidanka gacanta kusoo dhigeen dhaqarqabiyaal katirsan khawaarijta, waxay horey uburburiyeen shabakado ka howlgali jirey Magaalada Baydhabo kuwaasi oo la horgeeyey Sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM