Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo goosatay kooxda AS

Image
Xubanahan aya ka howlglaayey Gobolada baay Bakool Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Nabad sugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Xubo katirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibey Ciidanka Nabadsugida koonfur Galbeed.

Saddexdan xubnood oo isku soo dhiibay Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu kala magacaaba Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen.

Xubanahan aya ka howlglaayey Gobolada baay Bakool Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan.

Waxaana mid walbo uu sheegay in uu usoo adkaysan waayey nolosha adag ee duurka ku haysata iyo howlgalada socda ee Ciidamada ay ka wadaan Gobolada Dalka waxaana ay sheegeen in saraakiisha Nabadsugida koonfur Galbeed ay kusoo dhoweeyeen gacmo furan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM