Koonfur Galbeed oo Sweden kala hadashay xaalka siyaasadda Soomaaliya

Image
Kulankan ayaa waxa uu ka qabsoomay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Narobia ee Caasimada Dalka Kenya kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Joachim Waern oo ay ka wada hadleen Arimaha Siyaasada, Amniga, Mashaariicda iyo Arimaha Biniadanimada

Danjiraha Dowladda Swden ayaa Madaxweyne Laftagareen iyo Golaha Wasiirada uga Mahadceliyey sida dhow ee Wada-shaqaynta ula leeyihiin waxaana uu xusay in kan Safaarad ahaan ay Xoojin doonan Wadashaqaynta iyo Hirgelinta Mashaariicda Hormarineed ee ay ka fulinayaan Deeganada Koonfur Galbeed

Kulanka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Wasiirada Wasaaraddaha Gargaarka, Qorshaynta, Agaasimaha Madaxtooyada iyo la Taliyaha Madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM