Koonfur Galbeed oo u diyaar-garoobeysa soo dhaweynta Khayre

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa kusii jeeda magaalada Baydhabo, xarunta ku meel gaarka Koonfur Galbeed xili maamulka uu u diyaar-garoobayo soo dhaweyntiisa.

Si amniga sarre loogu qaado, ciidamo dheeraad ah oo booliska sida gaarka ah u tababaran ah ayaa lagu soo daabulay wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda, sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen dadka degaanka.

Saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa GO u dusiyey in ujeedka socdaalka wasiirka koowaad ee feeraalku yahay dhagax dhigida mashaariicyo kala duwan oo ay maalgelinayaan dowlado kale.

Golaha Wasiirada dowlad goboleedkaasi oo todobaadkii hore ka doodey qaabka loosoo dhaweynayo Khayre ayaa u saarey guddi, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qaabka qaabilaada ra’iisul wasaaraha.

Warbixinada la helay oo ay labadda dhinac xaqiijiyeen ayaa soo jeedinaya in Khayre uu socdaal ku tegi doono degaano ka tirsan gobolada hoos-yimaada maamulkaasi si uu mashaariicda qaar uga soo dhex-dhigo.

Wasiirka Cadaaladda xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho, Abukaate Xasan Xaaji Xuseen, ayaa dhowaan ku dhawaaqay in xarunta gobolka Bay dhowaan laga furi doono xabsi weyn oo lagu xiri doono rag Shabaabka ah.

Khayre ayaa wuxuu haatan ku sugan yahay degaanada maamul goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu ka daah-furay shirka dib u heshiisiinta oo gogashiisa la dhigay magaaladda Dhuusamareeb.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM