Koonfur Galbeed oo xoojisay la macaamilka Beesha Caalamka

Image
Madaxweyne Laftagareen ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan waxa uu la yeeshay danjireyaal kala duwan.

NAIROBI, Kenya — Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Magaalada Nairobi uu ka Wado Kulamo uu la qaadanayo Saaxibada Soomaaliya ayaa qaabilay safiirada Faransiiska iyo Sweden, Arnaud Suguet Iyo Joachim Waern.

Joachim Waern ayuu kala shiray mashaariicda Dib U-Dhiska ee Dowlada Sweden ay ka tageerto Dowladda Koonfur Galbeed sidii loo Xoojin lahaa Gaar ahaan Mashaaricda Adeegyada Bulshada iyo Kaabiyaasha Dhaqaalaha

Kulanka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Amniga Hassan Abduqaadir Mohamed iyo La-Taliyaha Madaxweynaha Arimaha Siyaasada Hussein Hassan Abdi.

Danjire Arnaud Suguet ayuu kala xaajoodey Taageerida Mashaariicda Hormarineed ee socda, Amaanka Guud Deeganada Koonfur Galbeed iyo Wax ka Qabashada is bedelka Cimilada oo Saamayn ay ku Yeelatay.

Dhanka kale, Laftagareen ayaa Qadka Teleefonka kula hadlay Safiirka Dowladda Mareekanka ufadhiya Soomaaliya  Mr. Richard H. Riley

“Madaxweyne Laftagareen iyo Safiirka Mareekanka ayaa iska Xog-Waraysta Xaalada Guud ee Dalka Dhinacyada Siyaasada iyo Amniga,” ayay tiri Madaxtooyadda Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM