Kooxda Al shabaab oo weerar ku qaadey degaanka Mahadaay

Image

MAHADAAY, Somalia- Ugu yaraan 3 Qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen Weerar Al Shabaab ku qaadey deegaanka Biyo Cadde, oo ugu yaraan 20 km dhanka Koonfureed uga beegan degmada Mahadaay gobolka Shabeellada Dhexe.

Qof kamid ah dadka deegaanka, oo magaciisa amni ahaan u baahin karin, ayaa GO u sheegey dagaalyahanno hubaysan, oo katirsan kooxfa Al Shabaab weerareen Guri uu deganaa sarkaal ciidan. 

Weerarkaan ayaa kooxda Al Shabaab waxay ku dileen sarkaal ciidan , Wiil uu dhalay iyo Askari, waxaana ay ka qaateen Hubkoodii.

Biyo Cadde waxauu dhawaan gacanta u galay ciidamada dowlada Federaalka ah & AMISOM. 

"Al Sahabaab waxay weerartay xalay Guri uu  ka deganaa Sarkaal ka tirsanaa  ciismada Dowlada Soomaaliya, waxay dileen Saddex Qof, sarkaalka  iyo Wiilkiisa ku jireen, waxayna ka qaateen labo Qori oo AK-47 ah" ayuu yiri qof Deegaanka, ee la hadlay GO. 

Dhanka kale, Axmed Meyre Makaraan, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee dhinaca Siyaasada iyo Amniga, ee maamulka Gobolka Shabeellada Dhaxe, ayaa sheeegay in ciidmaada dowlada ay wadaan howlgalo ay ku baadi-goobayaan kuwa weerarka fuliyey. 

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda weerarka Deegaanka Biyo Cadde, kaasi oo ay ku tilmaameen mid qorsheysan oo saraakiil ay ku kharaaijiyeen. 

Deegaanada ku dhaw dwgmada Mahadaay, ayaa waxaa ka dhacayay maalmahaan danbe howlgalo ciidan  oo wadajir ah, kuwaasi oo Ciidamad Dowlada Somaliya.

GAROWEONLIN

Related Articles

Muqdisho oo Lagu Daahfuray Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed Markii Ugu Horreysay

Guddoomiyaha Suuqa Saamiyada Soomaaliyeed, Yaasiin Maxamuud Cibaar, ayaa khudbad dhiirrigelin leh ku tilmaamay furitaanka suuqan.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 02:50PM

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM