Kooxda AS oo dajisay xeelad ay uga dhuuntaan duqeymaha Mareykanka

Image
Tan iyo sanadkii 2022 oo kaliya, ciidamada Mareykanka ayaa qaaday 32 weerar oo dhanka cirka ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya ayaa muddo dhowr sano ah xaddiday jarista dhirta ee deegaannada ay ka taliso.

Sidoo kale waxa ay kooxda gubeen gawaari dhuxul siday, waxaana sidoo kale la xiray shaqaale ku howlanaa ganacsigan.

Laakiin sababaha ka dambeeya tallaabooyinku waxba shaqo ah kuma laha badbaada degaanka.

Tan iyo sanadkii 2022 oo kaliya, ciidamada Mareykanka ayaa qaaday 32 weerar oo dhanka cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana lagu dilay tobanaan dagaalyahan oo ay ku jiraan taliyayaal. Xaalufinta dhirta ayaa daaha ka rogtay xoogga dagaalka ee kooxda.

"Al-Shabaab waxa ay kaynta u isticmaashaa gabaad," ayuu yiri Badal Ahmad Hassan, oo ah la taliyaha sare ee deegaanka ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya.

Weerarada ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa sanadadii 2014 ku dilay hogaamiyaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xusid mudan in sanadkii 2014-kii laga takhalusay aas aasihii kooxda iyo Amiir Axmed Godane.

Dhowaan ayay aheyd markii Mareykanka uu duqeyn ku dilay Macalin Ayman, Taliyaha oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa diyaarinta weerarkii garoonka diyaaradaha ee Manda Bay, kaasoo lagu dilay askari Mareykan ah iyo labo qandaraasleyaal ah oo ka tirsanaa Waaxda Difaaca Mareykanka.

Hadda Al-Shabaab ayaa dhufeysyo ka qotay keymaha si ay uga hortagaan weerarada dhanka cirka ah iyo si ay u xoojiyaan difaacyada ay ku leeyihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Mareykanka oo ku duqeeyay Daacishta Buuraha Calmiskaad

Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan cutubyada iyo qalabka la adeegsaday lama shaacin doono si loo ilaaliyo amniga howlgalka.

  • Soomaliya

    11-03-2026

  • 01:33PM

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM