Kooxda AS oo weerar ku qaadey fariisinka ciidamada ee Ceeldheer

Image
Khasaaraha ilaa hadda lama oga. Balse wararkuw axay xusayaan in ay jirto dhimasho iyo dhaawac culus.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa magaalada Ceeldheer kadib weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen subaxnimadii Sabtida maanta ah.

Kooxda xagjirka ah, oo fariin ku faafisay Telegram-ka, waxay ku sheegtay inay "cagta mariyeen" xerooyinka militariga ee dawladda ee ku hareeraysan magaalada.

Hase ahaatee, sheegashadaas si madax banaan looma xaqiijin. Khasaaraha ilaa hadda lama oga. Balse wararkuw axay xusayaan in ay jirto dhimasho iyo dhaawac culus.

Ciidamada dowladda federaalka iyo dagaalyahannada deegaanka ayaa markii hore magaalada ka qabsaday Al-Shabaab bishii Janaayo 2023 xilligaasi oo ay socdeen dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Ciidamada ayaa bishii Ogoosto ee sanadkii hore dib uga gurtay Ceel-dheer, kadib markii uu ka dhacay Cawsweyne, balse bishii December ayay dib ugu laabteen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM

War Cusub oo Ka Soo Baxaya Beled Xaawo: Cabdirashiid Janan oo go'doon ku jira

Isgaarsiinta magaalada ayaa aad u liidata, taasoo adkaynaysa in la helo xog rasmi ah oo la xiriirta khasaaraha dhabta ah.

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 12:53PM