Kooxda AS oo weerar ku qaadey fariisinka ciidamada ee Ceeldheer

Image
Khasaaraha ilaa hadda lama oga. Balse wararkuw axay xusayaan in ay jirto dhimasho iyo dhaawac culus.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaal culus ayaa laga soo sheegayaa magaalada Ceeldheer kadib weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen subaxnimadii Sabtida maanta ah.

Kooxda xagjirka ah, oo fariin ku faafisay Telegram-ka, waxay ku sheegtay inay "cagta mariyeen" xerooyinka militariga ee dawladda ee ku hareeraysan magaalada.

Hase ahaatee, sheegashadaas si madax banaan looma xaqiijin. Khasaaraha ilaa hadda lama oga. Balse wararkuw axay xusayaan in ay jirto dhimasho iyo dhaawac culus.

Ciidamada dowladda federaalka iyo dagaalyahannada deegaanka ayaa markii hore magaalada ka qabsaday Al-Shabaab bishii Janaayo 2023 xilligaasi oo ay socdeen dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Ciidamada ayaa bishii Ogoosto ee sanadkii hore dib uga gurtay Ceel-dheer, kadib markii uu ka dhacay Cawsweyne, balse bishii December ayay dib ugu laabteen.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM